WAJAALE NEWS

Siyaasiyiin Miisaan Culus Ku Leh Somaliland Oo Lafilayo In Ay Ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Xogaha Laga Helayo!

HARGAYSA(W,N)-Siyaasiyiin xilal kala duwan kazoo qabtay Xukuumadihii kulmiye iyo kuwo kale oo madax banaan ayaa Lafilayaa in maalmaha soo socda ku biiraan xisbiga mucaaridka Ah ee wadani iyagoo hore uga mid ahaa xisbiga xaakimka kulmiye.

Dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta ayaa laga daremaya gudaha Caasimada Somaliland Ee Hargaysa oo sida xogaha aanu Ka Helaynaa tibaaxeen ay shirar gooni gooni ah ku laahaayeen Huteelada magaalada hargaysa kuwaasi oo ay kaga Arinsanayaan mustaqbalkooga siyaasadeed.

Siyaasiyiinta la filayo in ay xisbiga wadani siwada jir ugu biiraan Ayaa tiradoodu lagu Qiyaasay ilaa toban siyaasi islamarkaana Badi xilal wasiirnimo,safiir iyo xilal kale soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Magacyada siyaasiyiinta la filayo in ay wadani ku biiraan ayaa kala ah;

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

Siyaasi Maxamuud xaashi Cabdi

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”

Siyaasi Maxamed Ibraahim  Qabo

Siyaasi xuseen ducaale

Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar

Cabdoo Axmed Aayar

Cali Siciid Raygal

Siyaasi Cabdilaahi Habane “cabdilaahi dheere”

Siyaasi saleebaan Xaglatoosiye.

Dhanka kale xogaha Aanu ka helayno siyaasiyiinta hore xisbiga kulmiye uga tirsanaan jiray ee hada udigo roganaya xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa sheegay in ay jiraan aqoonyahan kale iyo waxgarad ay ku midaysan yihiin fikirkan oo ku weheliya ku biirista xisbiga wadani.

Sikasta oo ay tahay Isbahaysiga siyaasiyiinta miisaanka ku leh Somaliland ee lafilayo in ku biiraan xisbiga wadani ayaa saamayn ku yeelan doonta awoodii xisbi xaakimka kulmiye iyagoo dhamaan hore uga mid ahaa garbihii horseeday guushii doorashada madaxtooyada ee 2017 ee madaxwayne biixi ku guulaystay in uu ku fadhiisto kursiga ugu sareeyay dalka balse afar sano kadib waxaa xisbigii ka huleelaya haldoorkii haaneeday guushiisa, taasi oo horseedi karta in xisbiga kulmiye mar danbe aanu ku guulaysan doorashada soo socota ee 2022 wallow wali aan Lasadaalin Karin natiijadeeda maadama uu wali wakhti hal sano ahi ka hadhsan tahay. ismarkaana aan la hubin in ay ku qabsoomayso wakhtigii loo mudeeyay in ay ku dhacdo doorashada madaxtooyadu.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

Exit mobile version