WAJAALE NEWS

Askari Kenyan ah oo Hooyo Soomaaliyeed ka tuuray dhisme shan dabaq ah

NAIROBI(WAJAALENEWS);Askari ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa haweeney Soomaaliyeed kasoo tuuray dhisme shan dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay howlgallo ka socdeen tan iyo horraantii bishii hore.

Farxiyo Axmed Yaroow oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhashay shan carruur ah ayaa haatan ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi halkaasoo looga daweynayo dhaawacyo soo gaaray.

“Aniga iyo carruurteyda ayaa guriga joognay, waxaana ii soo galay xilli ay ku beegan tahay 11;30 habeenimo afar ka md ah ciidamada ammaanka Kenya, kuwaasoo igu yiri keen sharcigaaga, markii aan sharciga tusay ayuu mid ka mid ah igu yiri lacag keen, waxaan u sheegay inaan lacag haysan, wuxuu igu yiri mar kale dahab keen ma haysto ayaan ku iri, markaas kaddib ayaan isku dayay inaan ilmo kasoo celiyo balakoonka guriga, wuuna iga soo dabo-galay waxaan ku iri shacigeyna i sii, balse markiiba wuu i tuuray,” ayay tiri Farxiyo oo gacanteeda midig ay saddex meel ka jaban tahay, iyadoo aan fariisan karin hadalkuna ii dhibayay.

Iyadoo u warramaysay BBC-da ayay sheegtay in markii uu tuuray askariga inay ku dul-dhacday saqafka ama laamiyeeriga guri ay daris yihiin, balse uu Alle badbaadiyay, sidii uu askariga doonayayna aysan noqon, iyadoo xustay inaysan weligeed is lahayn askari ayaa lacag iyo dahab ku weydiinaya ama guriga dheer kaa tuuraya.

“Ma garanayo askariga i tuuray iyo kuwii la socday intaba, laakiinse dadkii i arkayay markii uu askarigu i tuurayay ayaan filayaa inay garanayaan, waana arrin xun oo aanan weligey ku fikir inay dhici karto,” ayay tiri hooyadan ka mid ah kuwa Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Afhayeenka booliiska Kenya, Mascuud Munyi, ayaa sheegay inay arrintaas si aan rasmi ahayn u maqleen, balse ay amar ku bixiyeen in baaritaanno dhab ah lagu sameeyo, waxaana doonaynaa inay arrintan noqoto mid la diiwaan-geliyo.

“Qofka uu falkan oo kale ku dhacay, waxaan ka codsnaynaa inuu si deg-deg ah ula xiriiro laamaha ammaanka si wax looga qabto dhibka loo geystay ama dadka ehelladiisa ay dacwad soo gudbiyaan, si aan innagana baaritaan rasmi ah u sameyno, balse iyadoo aysan dacwad arrintan ku saabsan oo rasmi ah aysan nasoo gaarin ayaan amar ku siinnay madaxda booliiska deegaankaas inay baaritaan ku sameeyaan,” ayay Mascuud Munyi.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dadka ay ka baqayaan inay dacwad soo gudbiyaan, balse ay wanaagsan tahay, waxaana dacwaddooda ay sida u dhaqso badan ugu gudbin karaan waaxda arrimaha gudaha oo u xil-saaran inay baaritaan ku sameyso askarta dhibaatooyinka geysta, waxaana dadka u sheegayaa inay hubaal tahay in dacwooyinkooda la dhageysan doono.

Farxiyo ayaa noqonaysa haweeneydii labaad oo Soomaali ah oo sheegtay in ciidamada Kenya ay dabaq kasoo tuureen tan iyo markii uu howlgallada ka socda xaafadda Islii ay billowdeen.

Howlgalladan ayaa lagu qabqabtay kumannaan qof oo qaarkood dib loogu celiyay Soomaaliya, halka kuwo kalena lagu celiyay xeryaha qoxootiga ee Kenya, iyadoo dowladdu ay sheegayso in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka laguna baadi-goobayo dadka sharci-darrada ku jooga dalkee

Exit mobile version