WAJAALE NEWS

Xukumada Oo Nin Hindi Ahi Ka Dhacay Lacagtii Lagu Dayac Tirayey Hay,ada Korontada Dawlada

hargeisa(Wajaalenews)Xogaha soo baxayaa waxay sheegayaan in Nin Hindi ah oo ay qalab ka dalbadeen ka dhacay Lacag gaadhaysa dhawr boqol oo Kun oo Doolar  warar hoose ee ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya sababta Wakaaladda Korontada Hargeysa u xidhantay in ay tahay lacag gaadhaysa laba boqol oo kun oo doolar oo loogu talogalay Dayactirka Mishiinada oo ay soo baxayso in la dhacay oo aan illaa hada la haynin meel ay Jaan iyo Cidhib dhigtay lacagtaasi.

Xukuumadda Somaliland illaa hada kamay hadal dhacdadan lagaga dhacay lacagta, hase yeeshee Xogaha Wargeyska Waaheen helayaa waxay sheegayaan in Xukuumaddu Lacagtan ku shubtay Xisaab Nin Hindi ah uga furnayd mid ka mid ah Bangiyada Imaaraadka Carabta isla markaana Xukuumaddu u marisay mid ka mid ah xawaaladaha Somalida si uu ugu soo Iibiyo qalab lagu dayactiro Mishiinada Wakaaladda oo daalanaa maalmahaasi ka hor intii aanay bakhtiyin.

Lama oga illaa hadda sababta ay Xukuumaddu lacag intaas leeg u marisay Xawaalad ama ay nin Hindi ah oo aan damaanad laga haynin ugu shubtay, iyadoo ay Hargeysa ka furan tahay wakaaladda ay leeyihiin Shirkadaha waaweyn ee sameeya Mishiinada Wakaaladdu isticmaasho, kuwaas oo dayactiri lahaa iyadoo aan lacagta la wada siin.

Wakaaladda Korontada Hargeysa ayey Albaabadu si rasmi ah ugu xidhmeen kadib markii Lacagtaas oo lagu qadaray illaa boqol iyo Lixdan kun ama laba boqol oo kun oo Doolar laga dhacay, taasoo quus ku riday Xukuumaddau in ay tahli kari waydo in ay hesho xal kale oo ay ku sii wado Laydhkii ay Dadweynaha siin jirtay oo ay Caasimaddu aad u tabtay.

Ila wareedyo u dhuun daloola talaabada xigta ee ay xukuumaddu kaga jawaabayso dhacdadan ku habsatay Wakaaladda korontada Hargeysa ayaa sheegaya in ay qaadayso laba talaabo oo deg deg ah oo ay midi tahay in cid dhakhso u kicisa loo magacaabo wakaaladda iyo in talaabo laga qaado cidii lugta ku lahayd lacagta la dhacay.

Dhinaac kale, waxa la sheegay in ay suurtogali wayday amar shalay la doonayey in lagu xidh xidho shaqaalihii wakaaladaasi oo qaarkood shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in Xukuumaddu sabab u ahayd in mishiinadu fadhiistaan iyagoo ku Eedeeyey in ay doonayso in ay ka Iibiso ganacsato waaweyn oo lala galay heshiis hoose.

wajaalenews.net

xafiiska wararka hargeisa

Exit mobile version