WAJAALE NEWS

Xogo dheeraad ah o kasoo baxaya safarka uu madaxwayne axmed siilanyo iyo qayskiisu ku tagay magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil

Berbera(WJN)Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa gaadhay Magaalada Berbera shalay,safarka Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid tamashle ah.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa ayaa xalay u hoyday Aqalka Madaxtooyada ee Berbera,iyagoo aan ilaa immika tafaasiil ka bixin safarkooda.

Masuul ka tirsan aqalka Madaxtooyada Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in Safarka Madaxweynuhu Salka ku hayo Arrimo Shakhsi

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay in maalinta Berri ah uu booqan doona Deegaanka biyo Kulule oo 18km dhinaca bari kaga beegan Magaalada Berbera

Dur-dur biyoodyo ay ka soo burqadaan biyo diirimaad ah ayaa dadka goobtaasi tagaa ku dabaashaan ,iyagoo ka raadinaya daawo,sidaa waxaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka deeganka ku nool

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadii uu tago Biyo Kulule waxa uu indhihiisa ku soo arki doonaa Mucjisooyin badan oo deegankani ku caan baxay.”biyo kulule ayaa waxaa marwalba aad ku arkaysaa dad badan o kakala yimid gobolada somaliland gobtana u jooga biyaha mucjisada ah in ay caafimaad kahelaan madaxwayne siilaanyana wuxuu ka mid yahay uun bukanka cafimaadka raadinaya ilaahayna haka siiyo muraadkisa.

 

Wajaalnews.net

Hargeisa/offcie

email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version