WAJAALE NEWS

WEFTI UU HOGAAMINAYO WASIIRKA MADAXTOOYADA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY WADA SALAXLAY ILAA HARGEYSA

HARGEISA(WAJAALENEWS);Waftigan ayaa ujeedada safarkiisu ahayd u kuur galida  sida socdaan wadooyinka isku xidhaya Gobolada Degmooyinka iyo tuulooyinka dalka ayaa galabta gelinkii danbe waxa Wefti uu hogaaminaayo wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi CalI Xaaji Xasan oo ay ka mid yihiin Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Maareeyaha Wadooyinka Mudane Pro. Xasan Cali Cismaan iyo Sulaadiin, Cuqaal iyo Xildhibaano ayaa waxay boqdeen wadada isku xidhaysa Hargeysa ilaa Salaxlay oo maanta la dhigay 5km oo laami ah.

Ayaa ujeedada Socdaalkani waxa uu ahaa derdergelinta iyo ka warhaynta halka ay hawshaasi marayso isaga oo wasiirka iyo weftigiisuba ay socdaal lug ah ku soo mareen guud ahaan agabka iyo hawlaha ka socda wadadaasi oo ay warbixino ka dhegaysteen Engineerka iyo gudida ku hawlan wadadaasiba

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version