WAJAALE NEWS

Wasiirka Arimaha Debada Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Aqoonsigii Shafield ee Somaliland iyo Qodobo kale

HARGEISA(Wajaalenews);wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka qayb galay kulankii ay yeesheen golaha deegaanka Shafeild ee lagu aqoonsaday somaliland.

Hargeysa(WJN):-wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka qayb galay kulankii ay yeesheen golaha deegaanka Shafeild ee lagu aqoonsaday somaliland.

Wasiirka arimaha debada Somaliland oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta uga waramay qodobo door.

Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlaya socdaalkii uu ku soo maray wadamada Ingiriiska , Australia iyo aqoonsigii ay Somaliland ka heshay magaalada Shafield ayaa waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan waxaan ku maqnaa Australia iyo wadanka Ingiriiska, waxaanan ka qayb galay xafladii waynayd ee u dhacday aqoonsiga Somaliland ee Shafield, ictiraafkaas oo ku salaysnaa horu marka ay Somaliland 

gaadhay dhinaca dimuqraadiyada,doorashooyinka, horu marka dhinaca nabada ah iyo xasilooni mudo 23 sanadood ahna gaar taagnayd iyaga oo go,aansaday inay xornimadooda la soo noqdaan iyaga oo arimahaas qiimeeyey dadka reer Shafield iyo madaxdoodu ayey go,aansadeen inay aqoonsadaan Somaliland waana kii ugu horeeyey waxaanu qabnaa inay halkaas ka sii socon doonto iyada oo magaalooyin kale oo ingiriiska ka tirsani isku abaabulayaan balse waxaanu qabnaa inuu arinkaasi u gudbi doono dawladaha waana arin aanu ka shaqaynayno.”Sidoo kale wasiirka arimaha debada Somaliland waxa uu sheegay inaanu waxba ka ogayn lacag la sheegay in loogu tala galay sidii xaflad loogu qaban lahaa aqoonsigii shafield oo la sheegay  in xubno wasiiro ah oo ka tirsan waftigii ka qayb galay ay lunsadeen waxaanu tilmaamay inaanu arinaas waxba ka ogayn waxanu yidhi “lacagtaas waxba kama ogi umana malaynayo inuu safiirku ka war hayo laakiin marka aanu ogaano waanu ka soo war celin doonaa.”ayuu yidhi wasiirka arimaha debadu

Sidoo kale wasiirka arimaha debada Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland ka xun tahay dilkii loo gaystay hawl wadeeno ka tirsan qaramada midoobay kuwaas oo lagu dilay wadanka Somaliya

WAJAALENEWS

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Exit mobile version