WAJAALE NEWS

“ Masuuliyiinta Soomaaliya ee muqdisho ka imanaya ama kuwa Puntland way soo mari karaa Madaarada Somaliland iyadoo transit ah.” Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ka hadlay sida ay Xukuumad ahaan u arkaan in masuulityiiinta Soomaaliya ay Transit ku maraan Madaarka Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo qaar ka mida Saxaafadda maanta ugu waramayey madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa ayaa sheegay in Madaxda dawlada Soomaaliya iyo kuwo Puntland ay transit ahaan u adeegsan karaan madaaradda dalka, laakiin aanay loo golayn inay magaalada u gudbaan.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo Saxaafaddu ay wax ka waydiisay Transita madaxada Soomaaliya ay madaarada dalka ku maraan ayaa waxa yidhi  “ markaan ka jawaabo su’aasha ku saabsan masuuliyiinta dawlada Soomaaliya inay  transit ku mari karaan Garoomada Somaliland, waxa weeye Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee aan aniguna Maysinkan kaaliyaha ama odayga uga ahay, siyaasada aan ku maamulaynaa waxa weeye in garoonkan Hargeysa  aanu ka dhigno garoomo caalami ah, oo geeska afrika oo dhan waraabiya oo hab u noqda mandaqadan, waxan aanu doonaynaa in aanu soo jiidano diyaarado waaweyn oo caalami ah, oo calan wadan sita, oo caymisyada aduunka ku jira, waxa aanu doonaynaa in diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi ay laayeen ee dadkan la soo kifaaxay in aanay baabin ee aanu dhawro, siyaasada noocaas ahi inaga socon mayso hadii aynu nidhaahno yaan layna soo marin oo dadka aynu Transit-ka ka horjoogsano,  caalamina aynu noqono, dunidu shuruuc iyo xeerar garoomada lagu maamulo ayey leedahay kuwaas oo lagu hubiyo Hay’ada ICAO  ayaa dajisa, wixii Transit ahina madaarka way marayaan hadii ay Jabuuti, Kiiniya ama Itoobiya ka socdaan, madaxda Soomaaliya kuwaas ayuubay la mid yihiin, masuuliyiinta Soomaaliya ee muqdisho ka imanaya ama kuwa Punland way soo mari karaa Madaarada Somaliland iyadoo transit ah, marka laga reebo masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee maamuladaas ku jira, kuwaasi waxay khiyaameeyeen umadoodii iyo dalkoooda,  kuwaas ma ogolin, hadii ay madaarada soo fadhiistaana diyaarada ugu gali mayno laakiin hadii ay soo cago dhigtaan  oo Terminalada ay yimaadaan, xaq ayaanu u leenahay inaanu xukuumad ahaan qabano.”
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay inay Madaxda Soomaaliya ee Transit ka ah  ka reeban tahay inay magaalooyinka u gudbaan waxaanu yidhi “ madaxda Soomaaliya  waxa ka reeban inay gudaha Somaliland galaan, Transit  way ku joogi karaan madaaradda, meelo aanu ugu talo galaynay ayaa la gaynayaa, oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, imikana way na soo maraan masuuliyiin Puntland ah oo maanta oo ugu damabaysay Wasiirkii Maaliyada ayaa marayey isagoo Transit ah.”
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena ka jawaabay eedaha ku saabsan in Xukuumaddu ay Madaaradda ka hor istaagto Madaxda Mucaaridka Somaliland, waxaanu yidhi “  Waxa kale oo marara badan laga hadlay maamuuska masuulyiinta Somaliland haldoorkeeda iyo labeenteedaba ee Mucaaridka, anagu waxaanu nahay Xukuumad bisil oo mudakar ah,  mucaarid ahaan jirtay, waxaanu nahay Xukuumad taqaan sida dadka laysku wado, ma xumayno masuulyiinta mucaaridka  oo dhan, waxaanu ogol nahay waanu dhaqnaa oo waanu dhawrnaa, waayo waxay noqon karaa madaxdii bari hadii ALLE u calfo, rag ay iska kaayo khaldan tahay ma nihin, raga qaarkood ayaanu meel xun wax ka daya, kuwaas waxaan leenahay waar sidaas waxba laguma helo, madaxda mucaaridka waanu soo dhawyanaa, maamulayaasha madaaradda sidaas ayaan ku amray, arintan Transidt kuna bisayl ayey inoog baahan tahay, bulshada iyo saxaafaddaba.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Exit mobile version