WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilanyo oo safar aan hore loo shaacin ku tagay magaalada barbera Isku dhac gadiid oo lakulmay iyo khasaaraha uu sobobay +deerada ku xeeran safarka madaxwaynaha .

Berbera-(Wajaalenews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wefti uu hor-kacayo oo ay ka mid yihiin xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda oo booqasho kedis ah oo aan la sii shaacin oo aanay ka warqebin Masuuliyiinta Gobalka Saaxil marka laga reebo Maareeyaha Dekadda Berbera, oo maanta casarkii ka hor gaadhay magaalo madaxda gobalka Saaxil ee Berbera.

Kolanyadan oo u sii jeeday dhinaca magaalada Berbera ayaa waxa is duqeeyey laba ka mid gaadiidkii madaxtooyada Somaliland taas oo sababtay in gaadhi ka mid ah tiknikadii la socotay kolanyadaasi uu dhinaca bidix uga leeday shilkii dhacay kadibna ay is jiidheen gaadhi Marko II ah oo nooca rakaabka ah oo dhinaca Berbera ka soo socday.

Ilaa hada khasaaraha shilkani sababay ayaa waxa la hubaa todoba Dumar ah oo dhaawac ah oo ka mid ah gaadhiga Marko II ah kuwaas oo hada yaala qaybta gargaarka degdega ah ee cusbitaalka guud ee Hargeysa. Ma jirto ilaa hada cid xukuumada ka tirsan oo shilkaasi ka hadashay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay wehelinayaan Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Marwada Koowaad  ayaa gaadhay Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Safarka Madaxweyneha oo aan hore loo sii shaacin isla markaana aan loogu sii diyaar garoobin sidii caadada ahayd ayaa waxa ay gaadheen Magaalada Berbera abaara 2:00 duhurnimo e

Madaxweynaha ayaa lagu war helay isaga oo dhex maraya Magaaladda Berbera, isla markaana aanay la soconin ilaaladiisa gaarka ah iyo waliba saraakiisha ugu saraysa Xukuumadiisa.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee uu ku tago Mid ka mid ah magaalooyinka ka baxsan Caasimada.

In-kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin Ujeedadda safarkan kadiska ah ee Madaxweynaha, hada Illo-wareedyo ka og dhow Wefiga Madaxweynaha oo aanu goor dhawayd khadka Telefoonka kula xidhiidhnay iyaga oo ku sugan magaalada Berbera, ayaa tibaaxay in safarka Madaxweynuhu uu yahay mid nasasho ah, waxaanay xuseen in isla maanta gekinkii danbaba uu Madaxweynuhu dabaal caafimaad oo uu hore il- iskaga gartay ku tegay xeebta badda Berbera, si uu uga soo dabaasho.

Lama shaacin muddada rasmiga ah ee uu qaadan doono safarka Madaxweynuhu iyo iyo halka uu u sii dhaafi doono Magaalada Barbera

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version