WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo Mustaafurisay Xoghayihii Ra”iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay dalka ka mustaafurisay xoghayihii ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed, Sida uu BBC-da u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasin Maxamed maanta loo mustaafuriyay magaalada Muqdisho.

Cabdiqani Yaasin Maxamed oo ah xogahayaha ra’iisal wasaaree ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo labo toddobaad ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Xeer ilaalinta Somaliland waxay sheegeen in sababta loo xidhay ninkaasi ayay hayd inuu qaab dhuumaalaysi ah ku joogay magaalada Hargeysa.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xidhay Hargaysa, iyadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aanay raalli ka ahayn ee yimaada dalka.

 

Exit mobile version