HARGEISA(Wajaalenews);Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Caydiid Solteco ayaa Maanta Dhagax dhigay jid Cusub oo Laami ah, dhararkiisu yahay 500 Miter, oo laga Hirgalinayo Degmada Gacan Libaax gaar ahaan Xafada Daami ee magaalada hargeysa.
Munaasibadii lagu dhagax dhigayey Wadadaasi ayaa wax ka qaybgalay Maayirka Caasimada Cabdiraxman Solteco, Wasiirkii Hore ee Caafimadka Mahdi Cisman Buuri, Suldaan Naasir, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa.
Wasiirkii Hore ee Caafimaadka mahadi Cismaan Buuri iyo Suldaan Naasir oo ka soo jeeda Xaafada wadada loo dhisayo ayaa hadalo mahad naq ah ka jeediyey Munaasibadii lagu dhagax dhigayey wadadaasi, waxayna sheegen in ay aad ugu faraxsan yihiin Golaha deeganka ee caasimada hargeysa mar haaddii horumarintii wadooyinka la soo gaadhsiiyey xaafadooda oo ay sheegen in ay ku nool yihiin dad dan yar ah oo wax sidaasi u sii buuran haysan, wax kale xukumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha deeganka Caasimada si weyn ugu amaaneen gacan qabasho ay sheegen in beeshoodu ka hesho, haaddii ay noqoto dhinaca shaqo abuurka, jaamacadaha oo laga bixiyo dhalinyarada beeshasi, iyo wax qabadyo kale oo faro badan oo loo qabto, iyaga oo hoosta ka xariiqay in wax kali ah ee ka dhimani uu yahay deeqaha caalamigaha ee illaa hadda aanay somalilandba helin, wax kale oo ay sheegen in wadadani tahay mid baahi weyn u qabeen dhismaheeda oo halboowle u ah xafadaasi, iyaga oo u mahad celiyey dawlad hoose hargeysa.
Wax kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Xassan Shahar iyo Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax iyo Xildhibaan Maxamed Timacade ayaa sheegay in dawlada hoose u soo jeedsatay dhismaha wadadooyinka xafadaasi ku yaal.
Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco oo gabo-gabadii hadal ka jeediyey Madashii wadad lagu dhagax dhigayey ayaa sheegay in dawalda hoose wadadan lacagta ku baxaysa qasnadeeda ka bixinayso waxaanu yidhi. “Wadadan aynu dhagax dhigayno oo ay ku nool yihiin dad danyar ah ayaa golaha deeganka Caasimadu ay go’aamiyey in loo dhiso wadooyin iyo adeegii asaasiga ahaa, si ay ula sinaadan Bulshada kale ee walaalahood ah xagga wadooyinka iyo xagga waxbarashada iyo xagga caafimadka, runtii xafadan wax u xildhibaan ah 25 xildhibaan ee golaha deeganka ah waana ka wadawakiil, runtii golaha deeganku wuxu ogaaday in dadka halkan dega wax badan loo qabto haaddii ay tahay shaqo abuur, qorshahan wax nagu hogaaminaya madaxweynaha Somaliland oo ay siyaasadiisa tahay in la horumariyo dalka , waxana dadka laga tirobadan yahay laga shaqaalisiyey Wasaradaha iyo meel wal ooy maamusho xukumadu, wax kale oo dawlada hoose bixinaysaa lacagta Macalimiin habeenkii waxbarashada dadban u dhigta dadka xaafadan inaga oo fasaxna ka soo qadandoona wasarada waxbarashada Somaliland, runtii wadadan waanu dhagaxdhigaynaa waanuna dhisaynaa, wadooyinka kale ee xafadan sidan oo kale ayaanu u dhisidoona inta sanadka ka hadhay.”Ayuu yidhi maayirku
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM