WAJAALE NEWS

Jaaliyada Dalada Guud ee Sweden oo Shahaado sharaf ku maamuustay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

HARGEISA (WAJAALENEWS)

“Qof kasta oo waxqabta ama horumar ummadda u sameeya, dhibta lagama daayo balse annagu garabkaaga ayaanu taaganahay””………………..

 

“Laakinse waanu ku faraxsanahay in dadkayaga dad badan oo garanaya in aanu waxqabanayno oo aanu dedaalayno oo nagu dhiirigelinayaa, waxay noo tahay shidaal inta noo dhiman aanu ku dedaali doono INSHA ALLAA””……………

Hargeisa(WJN); Kulan galabta ka dhacay Barxada Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa wasiirka Wasaaradda Madaxtoyada lagu Gudoonsiiyey Shahaado sharaf ka turjumaysa Hawlkarnimada, Dedaalka iyo hufnaanta shaqo ee uu muujiyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxaana halkaasi ugu horaynba ka hadlay Gudoomiyaha Dalada Guud ee Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sweden Mudane, Zakaria Hasan Wacays oo ku hadlaayey afka Jaaliyada Guud ee Sweden, waxaanu hadalkisa ku bilaabay Gudoomiyuhu, Sharaf weyn ayey itahay anniga iyo dhamaan Jaaliyada Somaliland ee Sweden, Sharaf gaara ayey ii tahay in Safiirkii Somaliland ee Wadanka Sweden in-nala joogo, waxa qadarin iyo sharaf noo ah in maanta hadii aanu nahay daladii guud ee Jaaliyadaha Sweden, aanu u garanay kuna maamuusayno wasiirka Madaxtooyada  Xirsi Xaaji Cali xaaji Xasan Wax-qabadka aan la qarin Karin ee uu dalka u qabtay mudadii uu xilkan wasiirnimada ah hayey, waxaana aanu wasiirka ku dhiirigelinaynaa, qof kasta oo waxqabta ama horumar ummadda u sameeya, dhibta lagama daayo balse annagu garabkaaga ayaanu taaganahay, waxaana aanu ku leenahay Wasiir ha ka daalin hawsha aad qabatay hadaanu nahay reer Sweden-na waxa aanu ku gudoonsiinaynaa shahaadada waxqabadkaagii aad ku mutaysatay, waxaana aanu ku leenahay Ilaahay garabkaaga ha galo, waana aanu kula shaqaynaynaa Gudo iyo Dibedba.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadashay Safiirka Somaliland ee Sweden, Rooda Cilmi Jaamac, waxaana ka mid ahaa hadaladeeda, aad ayaan ugu faraxsanahay in aanu halkan wada joogno Jaaliyada Guud ee Dalka Sweden, Gudida Jaamacada Timacade ee Gabiley, iyo aniga oo ah safiirka Somaliland ee Dalka Sweden in aanu halkan ugu sharafno gudoonsiinana shahaadadan sharafta mudan ee wasiir ku mutaystay, hawsha uu qarankan u hayo, anaguna aanu u ognahay hadaanu nahay Jaaliyada reer Sweden.

Marwalbana aanu ku taageeraynaa hawsha wayn ee ay  wadanka u hayaan dawlad ahaan haday yihin iyo haduu wasiirba yahay.

Runtii Jaaliyada dalaayada guud ee Sweden ayaa soo abaabushay hawshan madaama aan aniguna safiirkii ahay waan kala soo qaybgalay, waanad ku mahadsan yihiin inaad igu soo casuuntaan halkan marka saddexaad waxa aan aad ugu faraxsanahay hawlkarnimada iyo waxa aad wadanka u qabanaysaanba aad iyo aadna waan idinku mahad celinaynaa

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay soona xidhay hadalka Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa,

Aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaynaa inaad na sharafteen, noogarateen in aanu ummaddii u shaqaynayno, noogarateen in aad idinku nagu karaamayseen kelmeda Thank You ama waad mahadsan tahay iyo waad mahadsan tahay iyo shahaado sharaftaadka aadna gudoonsiiseen.

Waxa aanu is leenahay wixii aanu ummadda u qaban lahayn wax badanbaa noo dhiman, laakinse waanu ku faraxsanahay in dadkayaga dad badan oo garanaya in aanu waxqabanayno oo aanu dedaalayno oo nagu dhiirigelinayaa, waxay noo tahay shidaal inta noo dhiman aanu ku dedaali doono, waana aannu ognahay inta noo dhiman waana aanu ku dedaali doonaa Insha allaahu Tacaala.

Waxa kulankan Wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Aqoon yahay, Qoraa, Xasan Cabdi Madar.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version