WAJAALE NEWS

Immika Waxa Aynu Dhaafi La’nahay Madaxweynihii Baa Dab-Baashay Wuu Casheeyey Iyo Halkanuu Maray… Waxa Uu Marayaa Berigii Siyaad Barre Yidhi Ciyaarihii Gobolladu Halkay Marayaan”-Muj. Cali Xaraare

HARGEISA(WAJAALENEWS);Mujaahid Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro) oo kamid ah Mujaahidiintii dalka Xoraysay ayaa ka dayriyey xaaladda dalku marayo. Waxaanu yidhi “Anigu Waxaan kamid ahaa raggii dalkan 1991-kii qoriga la soo galay, waxaan ka mid ahaa kooxdii u horeysay ee Hargeysa soo gashay, toddobadii subaxnimo oo rubuc dhiman [6:45 Am] baanu soo galnay. Xilligaas waxaan ahaa ninkii loo doortay guddoomaha ciidanka ee nabadgelyada Hargeysa u xilsaarannaa waqtigaas, halkan [Hargeysa] waxaanu ugu soo galnay dad aad u badan oo qaxooti u badnaa, haddana wax allaala wax dhibaato ah oo ka dhacay ma ay jirin. Maalintaas Hargeysi way madoobayd, saldhiga dhexe oo aanu annagu joognay oo keliya ayaa hal tiriig ka baxay, inta kale oo dhami way madoobayd,
tusaale ahaan tog-dheer iyo xaafadahan suuqa dhexe oo kale waxaanu u mari waynay daanyeero iyo waraabe,  maalintaas oo maalin qadhaadh ahayd ayaa maantoo aynu marayno 2014 oo Maansoor iyo Ambassador Markaan habeenkii daawado quruxda magaalada aad yaabto ayaan haddana ka rejo xumahay dharaartaas, taasina waa Ayaan-darro caynkeedii ah”. Sidaas ayuu yidhi Muj. Cali Cismaan Cabdi [Cali-Xaraaro] oo Xalay u warramay Radio Hillaac, waxaanu intaa ku daray isaga oo sababaynaya rejo-xumadda uu qabo “Sababtu waxa weeye; maan filayn, caqligaygana kumay jirin waxan oo kale ayaa dalka ka dhacay, ismanaan lahayn Jamhuuriyaddan aad samaysateen oo maanta Axmed-Siilaanyo Xukumo ayaa sidan wax uga dhici doonaan. Waxaad ogtahay Cabudhin iyo in qof allaale qofkii hadla ama aragtidiisa cabira la weerarayo oo saq dhexe la xidhayo. Waxaad ogtahay saxaafaddii waxa lagu hayo. Waxaa kale oo aad arkaysaa dad is urursaday [wasiirro] iyo la taliyeyaal aad odhan karto waa Casaabad u heshiisay ummaddii oo boobaysa, oo aad odhan karto waa cayayaan dadka cunaya. Tujaar markii horena aan shilin la iman oo Eber ahaa oo hadda la sameeyey oo la naaxiyey baad arkaysaa. Waxaas oodhan iyo wax ka badan oo maskaxdayda ka guuxaya ayaad is weydiinaysaa ‘waar dalkiinii yaraa side bay waxan oodhami uga dhaceen’, xaqiiqada haddii aan kuu sheegana himilo iyo hadaf aan lahaa maalintii aanu dalka soo galnay ayaad hadda arkaysaa inay soo ururayso”.

Cali-Xaraaro oo intii waraysigiisu socday la su’aalay biyo-dhaca werwerka iyo deyrada uu qabaa xambaarsan tahay, waxa uu yidhi isaga oo ku dab-baqa marlaxada la marayo “ waxan u jeedaa dalkeenu saddexdii hay’addood ee uu lahaa ee sharciga ahaa [Garsoorka, Sharci-dejinta iyo fulinta] oo ah saddex rukun oo dalkeena aasaas u ah, iyagoo kala madax banaanaa ayaa haatan midkood ay labadii rukun ee kale hoos tagaan, garsoorkii waxa uu toos u hoos tagaa fulinta, sharci dejintii Axmed-Siilaanyo waa uu baabi’iyey oo waxa uu hoos geeyey fulintii. Waxaa muuqata oo aan anigu idhaahdaa sidii oo kacaan beelaysan oo dhacay ama kacaan casaabadaysan”.

Dhinaca kale Muj. Cali Xaraaro waxa uu ka hadlay oo uu naqdiyey Siyaasadda uu Madaxweyne Siilaanyo ku Waajahay Soomaaliya oo uu tilmaamay inay meesha ka saartay hammigii iyo yididiilladii shacbigu ka qabay dawladnimadooda, taas oo circa ku laalaysa Aqoonsigii la raadinayay “maalintii 1991kii burco lagu goynayay gooni isu taagga Somaliland, Cabdiraxmaan Axmed Cali [Madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland] waxa uu yidhi Muddo dheer baad sugi doontaan aqoonsiga ee u adkaysta waad u qadaysaane, dadkiina waayahay bay yidhaahdeen, tii baa la qaatay oo waa loo adkaystay, nasiib darro se maalintuu Axmed siilaanyo dalka qabsaday ee uu madaxweynaha ka noqday ayuu intuu golayaasha khiyaameeyey oo uu dhex marsaday hor fadhiistay Soomaaliya. Axmed siilaanyo isagaa soo nooleeyey Soomaaliya, Immikana Somaliland burburinteeda ayuu ku hawlan yahay. Saxaafadda waxa aynu markii hore ka maqli jirnay iyadoo la yidhaahdo Dawladda iskumagacawday Somaliland ama Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland, berigaa dadku waxay ka xanaaqi jireen magacaas ileyn dan baabay ahayd, immika waxa la yidhaahdaa  Somalilan doo keliya, Dawladdii Somaaliya iyo Somaliland o wada fadhiya, taasina waxa ay caddaynaysaa in Axmed siilaanyo uu Maanta dalkii ka dhigay maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.” “ Madaxweynaha Immika Joogaa isaga ayaa burburiyey Xisbigii UDUB, waxa uu baabiintiisa ku kharash gareeyey Shan iyo Toban Milyan oo Dollar Lacag ka badan, mid qudha ayuu ku burburinayay dawlad bay ahayd oo Dhukumentiyo ayay haysay sir ah”.

Anigu waxan qabaa Xisbigii UDUB Meel alla meel uu KULMIYE ka gaadhi karo ma arkayo, waayo laba dawladdood oo kala gooniya ayay xataa ahaayeen oo Tii UDUBna waxa ay ahayd mid Somaliland Ah tanna waa Maamul gobolleed ka tirsan Soomaaliya. UDUB May aqoon Soomaaliya manay hor fadhiisan jirin, dhaqaalahan dabinka ah ee Soomaaliyana may doonan jirin,laakiin waxa ay dawladdani leedahay laba aan is qaban, mar waxa ay leedahay Kama mid nihin Soomaaliya haddana dhaqaalahoodii bay doonanayaan. Tusaale ahaan habeen dhawayd waxaan TV-ga ka daawanayay wasiirak Duulista oo Turkiga ka soo noqday waxa uu lahaa nimankii [Soomaaliya] waanu isa soo af garan weynay oo waxaanu isku soo af garan weynay heshiiskayagii hore waxa uu ahaa in xafiiska Soomaaliya ee Hawada hargeysa la keeno markaa nimankii baa diiday oo yidhi Hargeysa ma gaynayno, markaa waxaanu ku nidhi idinkuna [Soomaaliya] la soo tashada madaxweynayaashiina annaguna kuwayagii baanu la soo tashanaynaa. Markaa xafiiska Soomaaliya ee Hawada Hargeysa la keenayo waxa la isku qabsaday in wasiirkii Soomaaliya yidhi Waan idin raacayaa oo xafiiska Hargeysa waan idinla furayaa, kanna waxa uu ka baqay inuu soo kaxeeyo oo uu madaarka Hargeysa ka soo dejiyo dabadeed waa kan odhanaya horta aan madaxdeydii la soo tashado. Dhinaca badda waa la innaga mideeyey oo wax budhcad badeed la yidhaa baa la sameeyey oo Soomaaliya ah oo lacagta la soo qaato. Wuxuu yidhi Xasan Ganey; ‘Laan-daaqa Geeluba, lebigii Jarka u dhaw intuu laac is leeyahay, Sow Loolli kama dhaco’, waxaan leeyahay Waar laantan lacagta ah ee kuu muuqata haadaan baa ka sokeysa”.

Gebogabadii waxa uu Cali Xaraaro baaq dhiiri gelin ah niyada ugu dhisay Shacabiga Somaliland iyo inta siyaasad ahaan ku Mucaaridka ah Xukuumadda waxaanu yidhi “Niyadu yaanay idinka Xumaane Horta Axmed wuu Tegayaa sabab uu ku tagoba, shacbigana waxaan leeyahay Somaliland wey jiraysaa ee ha ka werwerina, Axmed-na Ma qabo inuu doorasho samayn doono oo uu qaban doono ee wuu iska tegi doonaa ama kordhintiisa ha la yimaado hadduu u bato waa haddii uu yidhaa sanad ii kordhiya ama laba, run ahaanna isagu waxa uu doonayaa oo keliya sidii uu hore u yidhi ‘waxaan doonayaa inaan Taariikh ka tago’ taariikh noocee ah weeye ta uu ka tegayaa in dadku is weydiiyo sow maaha?. Sida aan anigu qabo Axmed siilaanyo waxa uu rabaa in uu ka tago taariikh la yidhaahdo waxa uu dib isugu soo celiyey Soomaaliya, taasina mid dhacaysa maaha” ayuu yidhi Cali Cismaan Xaraaro. Waxaanu intaa ku daray “Madaxweynuhu waxa uu marayaa halkii Siyaad Barre Marayay 1989kii. Markii uu magaalada soo maray ee uu raysalaha galay, dabadeedna dadka ku yidhi ciyaarihii gobolladu halkay marayaan, Finalkase halkee lagu qabanayaa!!!?. Immika waxa aynu dhaafi la’nahay madaxweynihii baa dabaashay, madaxweynihii baa casheeyey, halkanuu maray, iyo wax aan ka duwanayan

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

XIGASHO HUBAAL MEDAI

Exit mobile version