Hargeysa (W,N) – Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta (Hargeisa International Book Fair) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Bandhiggan oo noqonayaa kii 14aad, waxa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Deris-wanaagga”, waxaana marti ku ah dalka Ethiopia oo agabkiisa hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhdiisa dhaqan ee uu leeyahay lagu soo bandhigay. Isla markaana waxa ka soo qeybagalay Wefti ka socda dawlada Federaalka Ethiopia iyo Dawlad-Deegaanka Soomaalida-ba DDS.
Waxa Bandhigga ka qayb-galay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sannad walba lagu maamuuso daah-furka Bandhigga, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somalland Saleebaan Cali Koore, Ergayga Somaliand u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya Marwo Edna Aaden Ismaaciil, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran, wufuud ka kala socotay, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ghana, Jabuuti, Qorayaal iyo Diblo-maasiyiin ka kala socday waddamo kala duwan oo caalamka ah.
Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, ahna Aasaasaha Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ka hadlay Bandhigga, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaynu isugu nimi bandhigii 14aad ee Bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa, oo qeyb ka noqday taariikhda qarankan iyo umaddan Somaliland. Carwada Buugaagta sannadkasta waxa cusub ayaa jira, dalka inoo martida ahi waa Ethiopia, sannadkan 2021 halku dhigu waa ‘Deris Wanaaga. Sannadkii hore waxa joojisay carwada COVID 19-ka, Bandhigani waa laba bandhig oo is-gaadhay,dadka imanaya badnaantooda, dhalinyarada gobolada Somaliland ka imanaysa badnaantooda, iyo dalalka Jabuuti iyo Ethiopia awooda baddan ee ay saareen inay inooga yimaadaan dad gaadhaya 50-Qof oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Shaqaale, oo ay la socdaan Qoraagii, Fanaankii iyo Gabayaagii. Runtii aad ayaan ugu farxay oo ay kaga duwan tahay kuwii hore”.
Biniyamu Shetu oo hoggaaminayay kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee ka socotay dalka Ethiopa oo dareenkiisa cabirayey, ayaa waxa uu yidhi, “Annagu waxaanu ka nimi Itoobiya oo ka kooban qoomiyado badan, qoomiyad-kasta waxay xidhaan dharka dhaqanka oo u gaar ah. waa markii noogu horeysay ee aan ka soo qeybgalno bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa maadama aanu African nahay isku dhaqan ayaanu nahay Somaliland.”
Wasiirka Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Jabuuti Hibo Muumin Casoowe oo bandhigaasi ka hadashay waxay tidhi, “Anigu waxaan jecelahay inay halkan isugu yimaadaan dad Buugaagta iyo dhaqanka jecel. Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa way da’ yar tahay oo way 14-jirsaday, aniguna kuma cusbi, waa markii 5aad ee aan ka soo qebgalo. Deris-wanaagga waxa ugu weyn ta bini’aadamka, ta u horeysa ee aan ku walaalownay ee aynu ku deris wanaag fiicanahay waa bini’aadanimada. Hooyaday, ILAAHAY ha u naxariiste, waxay nagu boorin jirnay inaan Deris wanaaga aan ka shaqeyno. In deriska la ogaado waxna la wada cuno waa mid muhiim ah.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Xaruntani waxay kulmisay dadka buugaagta iyo dhaqanka jecel. Dhaqanku waa inuu noqdaa muftaaxi dadka isku dhaweynayay ee furfurayay. Markaa aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay inaan metelo dhalinyarada, Suugaanta iyo dhaqanka waanan ku faraxsanahay sida quruxda badan ee naloo soo dhaweeyey”.
Maammulaha guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ka hadlay qiimaha deris- wanaagga iyo muhiimadda uu u leeyahay nabadda, ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha bulshooyinka.
“Deris-wanaaggu dhaqaalaha ayuu isu furaa, nabadda ayuu sii kordhiyaa, dadk isa sii baraa, shaqo abuurkuu sii kordhiyaa, waayo waddamadu markay isku dan yeeshaan, ayay nabdadana wada yeeshaan, markay dhaqaale wada yeeshaan ayay is ilaaliyaan. Markaa dhammaanteen waa inaynu ka shaqeynaa derisnimada waayo dan ayaa inoogu jirta. Anagu shirkad ahaan waanu ku faraxsanay xafladaha noocana meelakasta oo ay ka dhacaan inaan ka qayb-qaadanno”, Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cumar Siyaad Ibraahim, ayaa sheegay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo metelaysa Somaliland ay hormuud iyo macalin ay wax ka bartaan u tahay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan mandaqadda Geeska Afrika.
“Waxa ii Sharaf ah inaan ka soo qeybgalo Bandhiga caalamiga buugaagta Hargeysa, oo aan ahayn markii kowaad ee aan ka soo qebgalno, iyada oo aan kaga soo gayb-galnay qeybihii kala duwana, sida qeybta Akademiga Jaamacadda Jigjiga, Masuuliyiinta iyo dhalinyarada, sharaf gaar ah ayay noo tahay inaan ka soo qeyb-galno oo nimaadno magaaladayada labaad. Waxaan ku bogaadinayaa Dr. Jama Muuse Jaamac hawshan uu macalinka noogu yahay haddaanu nahay dhalinyarada Soomaaliyeed, deegaanka ay doonaanba ha joogaan hadday tahay Soomaaliya, ama Somaliland ha joogaan ama Ethiopia ha joogaan ama Jabuuti, waxa uu noo yahay hormuud aan wax badan kaga dayan doono, annaguna ka-dawlad deegaan ahaan waxyaabo badan ayaanu ka baran doonaa Somaliland”, Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa isagoo ku hadlayey magaca caasimadda soo dhaweeyey wufuuddii ka kala socotay caalamka ee ka qayb-galay Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanu bogaadiyey doorka ay ku leedahay horumarka Dhalinyarada.
“Annaga oo ku hadlayaa magaca Caasimada Hargeysa waxaan aqoonsanay muhiimada bandhiga Buugaagta caalamiga ahi uu u leeyahay dhalinyarada, waxaan u mahad naqayaa intiina ka soo qeybgashay,waxaanan idiin rajaynayaa nasiib wanaagsan, waxaanan rajeynayaa inaad wakhti koobaan u heshaan magaalada, waxna ka ogaataan sida loogu nool yahay,si weyn ayaan idiin soo dhaweynayaa,” sidaas ayuu yidhi Duqa degmada Hargeysa.
Professor Siciid Saalax oo ka mid ah suugaan-yahanka iyo af-yaqaanka Soomaalida ayaa sharxay muhiimadda bandhiga Buugaagtu u leeyahay bulshada iyo is-dhexgalka dadka iyo dalalka deriska ah, isagoo ka sheekeeyey qiimaha ay lahaayeen hal-ku-dhegyadii hirgalay ee lagu suntay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa tobankii sanno ee u dambeeyey.
“Hal-ku-dhigga sannadkan oo sida loo sheegay daba-jooga sannadihii badnaa ilaa 2012-kii waxaynu soo odorosnay hilaadda timaaddada. 2013-kii sadcaal ayaynu ahayn, 2014-kii mala’awaal ayaynu joognay, 2015-kii baradaada ayaynu qotonay,2016-kii hoggaaminta iyo hal-abuurka ayaynu hadal-haynay, 2017-kii Xidhiidhsami ayaynu u bixinay, 2018-kii Murti ayaynu naqaynay, 2019-kii waa Socday Wada lahaanshaha iyo islahaanshuhu, 2020-kii halku dheggu waxa uu ahaa COVID 19-ka, oo ahaa inaan la isku iman oo afka la saabto, oo la kala maqnaado, hal-ku dhegga sannadkan 2021 waa Deris wanaag”, sidaas ayuu yidhi Prof Siciid Saalax.
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici (SAYLICI), ayaa si weyn u ammaanay doorka wax-qabad ee Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo muhiimadda ay qaranimada u leedahay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.
“Waxa Sharaf weyn inoo ah inaan maanta ka soo qeybgalo bandhiga 14aad ee Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaan ku bogaadinayaa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah aasaasaha Bandhiga Buugaagta Hargeysa, ahna nin aad u qiima badan,qaranka Somaliland-na mahad weyn ugu hayo adkaysiga badan iyo halka uu ka soo bilaabay, iyo mudada dheer ee uu soo waday ee uu ka midha-dhaliyay inuu maanta indhaha caalamka ku soo jeediyo Somaliland, haddanu nahay Xukuumaddana waanu ku garab taaganahay”, Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlayey muhiimadda Bandhigga buugaagta Hargeysa, waxa kale oo uu yidhi, “Bandhigga Buugaagtu waxa uu kobcinayaa garaadka dhalinyaradeena, garaadka aqoonyahankeena, waxa isugu yimi intaas oo aqoonyahan oo laga faa’iideysanayo oo ka kala socda daafaha caalamka. Sannadkan waxa la soo qaatay derisnimada, waxay ka bilaabantaa aqalka kugu xiga, sidaas ayay u soconaysaa, mujtamaca kugula nool Magaalo, dalka kugu xiga, dunida oo dhan.
Haddii aynu nahay Afrika waa in qobqobnaanta laga baxaa oo la is-dhexgalaa. Mujtamaceena Afrikaanka ahi waa inay xoojiyaan is-dhexgalka oo laga bilaaba dalba dalkuu ku xigo. Muddada aynu jirnay Somaliland iyo Ethiopia is-dhexgalka aad ayay u wadaan haday tahay dhaqaalaha, Siyaasadda iyo hadday tahay waxbarashada. Jabuuti waa dal aan Af iyo wax walba wadaagno, is-dhexgalkeenu wuu sareeyaa”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-SAYLICI.
Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aaden Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay, ayaa ka marag-kacday qiimaha ay Qaranka ugu fadhido Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Aasaasaha bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.
“Marka hore waxaan u mahad-celinayaa Illaahay oo noo suurto-galiyey Somaliland inay gobolka hormuud ugu noqoto bandhigga buugaagta oo ay caalamka wax kaga tahay. Waxaan qirsanahay inaanay tani suurto-gal noqon lahayn haddii aanu hindisaheeda iyo qorshaha hirgelinteeda keenin Jaamac Muuse Jaamac iyo Shaqada adag ee bahda Redsea Cultural Foundation,” ayay tidhi Dr. Edna Aadan Ismaaciil.
Dr Edna Aadan Ismail waxa ay sheegtay in munaasibadda bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa ka duwan yahay kuwii sannadihii hore, iyadoo xustay in bandhigga sannadkani ku beegmay xilli ay Somaliland qabsatay Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo Isku sidkan iyo Doorashadii 8aad oo hab dimuqraaddi ah uga qabsoontay dalkeeda labaatankii sanno ee u dambeeyey.
Safiirka Dawladda Ethiopia u qaabilsan Somaliland oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, Danjire Siciid Jibriil oo madasha bandhigga ka hadlay, ayaa bogaadiyay Bandhigga Buugaagta Hargeysa. “Waxan rajaynayaa inaad wax badan ka faa’iideysan doontaan bandhiggan Buugaagta ee Hargeisa International Book Fair, waxaan aad u soo dhaweynayaa Weftiga ka yimi dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo iyaga laga filayo inay wax badan halkan ku soo bandhigaan,” sidaas ayuu yidhi Danjire Siciid Jibriil.
Safiirka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Chengwa Lou, ayaa dhankiisa ka dareen-celiyey sida uu u arko Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa, waxaanu xusay inay Somaliland iyo Taiwan kawada shaqeyn doonaan carwooyin iyo bandhigyo kuwan oo kale ah, kuwaas oo wax lagu kala korodhsanayo mustaqbalka.
Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa ballan-qaaday in Midowga Yurub uu Somaliland ka taageeri doono is dhexgalka bulshada iyo kor-u-qaadida qoraalka iyo dhaqanka, waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay wakhti geliyaan is-dhexgalka, daris wanaaga iyo qoraalka.
Ambassador Nicolás Berlanga waxa uu Somaliland ku ammaanay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii May 2021,taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd fariin ay shacabka reer Somaliland u direen beesha caalamka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa uga mahad-celiyay dalalka Ethiopia Iyo Jabuuti ka-soo-qeybgalka Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihiin qoraalka iyo dhiganayaashooda.
Md. Koore waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo khubarada qoraalku ku saxaan buugaagta la qoro. “Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo. Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”, Sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo ka hadlay bandhigga buugaagta ee Hargeisa ayaa dhankiisa sheegay in bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa uu fursado badan u leeyahay dhalinyarada hadday tahay dhinaca qoraalka, dhaqanka iyo Is-dhex-galka.
Sidoo kale, waxa munaasibadda bandhigga ka hadlay siyaasiyiin, qaar ka mid ah wufuudda ka socotay beesha Caalamka iyo Shaqsiyaad qoreyaal, suugaan yahanno iyo dhaqan-yaqaan isugu jira, kuwaas oo dhammaantood hadalkooda diirradda ku saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta deriska iyo kobcinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee deris-wanaagga.
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo muddo toddobaad ah ka socon doonta xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa ah munaasibad-dhaqameed sannad kasta lagu bandhigo Arrimo khuseeya dhaqanka, buugaagta, suugaanta, bandhig-faneed iyo aqoon-wadaagis loo soo bandhigo wufuud ka socota in ka badan 30 dal oo sannad walba lagu soo marti-qaado.
Carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sannad kasta si gaar ah loogu maamuusaa mid ka mid ah waddamada caalamka oo dhaqankiisa iyo hiddihiisa wax laga barto, waxaana loo asteeyaa mowduuc gaar ah oo sannad kasta hal-ku-dheg looga dhigo bandhigga.
Waddanka Masar ayaa ahaa martida gaar ah ee lagu maamuusay bandhiggii ugu dambeeyey carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, waxaana ka horeeyey dalalka Jabuuti (2012), Boqortooyada Ingiriiska (2013), Malawi (2014), Nigeria (2015), Ghana (2016), South Africa (2017) iyo Rwanda (2018).
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay la qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay munaasibad-dhaqameedka ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika.