HARGEISA(WAJAALENEWS);Wixii ka danbeeya bisha Juun Dalka kama shaqaysan karo qof aan Ruqsad ka haysan Guddida Xirfadlayaasha Caafimaadka”Luul Jirde
Hargeysa(Wajaalenews) Guddida heer Qaran ee Mihnadaha Caafimadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo Bisha Lixaad aanay Somaliland ka shaqeyn doonin Cid aan Rusqad ka haysan Gudida Mihnadlayaasha Caafimaadka, iyaga oo ugu baaqay dadka ka shaqeeya Caafimaadka ee aan qaadan Rusqad in ay dhakhso isku soo diiwaangaliyaan cidii aan Rusqad haysana ay talaabo ka qaadi doonaan, waxa kale oo ay sheegeen in Shuruudo la marin doono sida in la eego shahaadooyinkooda.
Waxa kale oo ay ka hadleen Arrin muran uu ka taagnaa Baryahan oo ku saabsan Dhakhtar ka yimid Dibada oo doonayey in uu hawlo caafimad ka fulliyo Somaliland oo ay gudidu joojisay iyaga oo ku eedeeyey in aanu wax ogolaansho ah ka qaadan Guddidooda.
Sidaasi waxay ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Guud ee Guddida Mihnadlayaasha Caafimadka ee magaalada hargeysa, kulankaasi ayaa waxa Goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Guddidaasi iyo wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor.
Agaasimaha Fullinta Komishanka Mihnadlayaasha Caafimadka Luul Jirde Xuseen ayaa ugu baaqday Dadka ku shaqeysta mihnadaha caafimadka in ay Rusqad ka qaataan Xaruntooda, cidii qaadan waydana ay talaabo adag ka qaadi doonaan, waxa kale oo ay ka hadashay waxyaabihii u qabsoomay. “Hawlaha Guddidu waxay si rasmi ah u bilaabmantay 2011-kii markaasaana la sameeyey guddi hoosaadyada iyo xaafiiskaba oo shaqaalaha la qalabeeyey, Guddidu waxay hawsheedu tahay diiwaangalinta, rusqad-siinta iyo Anshax marinta wax allaale wixii ku shaqeysta Mihnada caafimadka, Guddida waxa u suuro gashay in aanu tagno illaa Afar gobol oo aanu diiwaangalin ku sameynay dadka caafimadka ka shaqeeya, goboladaasi oo kala ah Sanaag, Tog-dheer, Sool, Saaxil, Guddidan waxa uu sharcigu awood u siinayaa xeer 19/2001 in gudidani ay Diiwaangalin karto oo waliba anshax marin karto Goobaha laga bixiyo caafimadka, iyo iskuulada lagu dhigo caafimaadka, waxaanu sameynay wacyi-galin balaadhan oo aanu shacabka Somaliland ku tusaynay awooda uu leeyahay Komishankani iyo wuxuu u qaban karo, Bisha Juun waxa naga go’an in qof walba oo mihnad caafimaad ku shaqeysta in ay halkan iska diwaangaliyaan, si loo eego shahaadooyinka ay sitaan si Rusqad loo siiyo, Bisha Lixaad marka la gaadho Somaliland kama shaqeysan karo qof aan sidan Ruqsada Gudidan.”Ayey tidhi Luul.
Dr. Diiriye Ismaciil Ereg oo ka mid aha Aasaasayaashii Guddidaasi ayaa sheegay in aanay dib ugu dul qaadanayn dad isku sheega dhakhaatiir oo inta ay dalka soo galaan waxay doonaan ka sameeyaan hadana iska noqda, oo aad ogtihiin wixii dhawaanahan warbaahintu qoreysay ee ahaa in dhakhaatiir ajnabi ahi dhib ay geysteen, taasina dib u dhici mayso.”Ayuu yidhi.
Foosiya Maxamed Ismaciil oo ku jirta BOD Guddida Mihnadlayaasha caafimadka oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ujeedada ugu waaweyn ee ay dalka ugu xil saaran yihiin ay tahay sidii bulshada reer somaliland ugu laalin lahayeen caafimaadkooda oo uu noqdo mid tayo leh.
Waxa kale oo iyaguna ka hadlay Goobtaasi saraakiil sarsare oo ka tirsan Gudidaasi iyaga oo iska daba maray hawlaha qaranka ay u hayaan
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM