WAJAALE NEWS

Dadka Dagan Xaafada Jajabka Oo Cabasho Baahsan Ka Muujiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ugu Han-Jabay Shaadh Dawladeed.

HARGEISA(Wajaalenews);Oday iid ibraaahin cabdi oo ka mid ah dadka dagan agagaarka jajabka ee udhaw dhakhtarka wayn ee magaalada hargaysa ayaa cabasho baahsan ka muujiyey wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland Cabdi laahi Maxamed Daahir Cukuse oo dhul ku qabsaday.

iid ibraahin cabdi oo maanta warbaahinta ugu waramayay hargeysa ayaa sheegay in wasiir cukuse oo adeegsanaya shaadh dawladeed kuna haysto wajahada dhisme uu ku leeyahay oo waqooyi ka xiga madbacada qaranka Somaliland “Waxaan halkan idiinka cadaynayaa in cukuse oo shaadh dawladeed adeegsanaya uu ciidan keenay dhisme aan ka dhisanayo meel u dhaw madbacada qaranka waxaan haystaa dhamaan sharciyadii dawlada hoose iyo wasaarada hawlaha guud isiiyeen iyo dhamaan casayntii dhulkaygan oo dhan waxaana casaynta iigu qoran in dhismahayga wajahadiisa bari ay tahay waddo, balse ma garanayo waxa keenay in wasiirka warfaafintu uu ciidan dulkeeno dhismahayga aan dhisanayay,

 markii aan waydiiyay sababtana wuxuu igu yidhi wajahadaada bari waa dhisme balse waxaan u dhiibay sharcigii iyo casayntii dhulka wasiirka anigoo tusaya inaan sharci ku taaganahay markii uu wasiirku arkay sharciga dhulka ee aan tusay ee cadaynaya in wajahadayda bari ay tahay wado wuxuu wasiirku iigu jaaabay ma waxaad doonaysaa inaanu adigana ku dilno horaad u lahayd wiilbaa la iga diley.

laakiin anigu markaan arkay hadalka gefka igu ah ee wasiir cukuse igu sameeyay isagoo iska indhatiraya sharciyada aan tusay waxaan doorbiday inaan baaq u diro madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo oo isagu markii horeba isiiyay dhulkan.

madaxwayne waxaan kula socodsiinayaa hadalkaa gefka igu ah ee wasiirkaagu igula kacay waxaan kaa dalbanayaa inaad iga daw mariso wasiirkaagan gefka iila yimi maadaama oo aad tahay madaxwaynihii qaranka ayuu yidhi oday iid oo si adag uga gubtay hadalkan gefka ah ee wasiir cukuse ka soo yeedhay, sidoo kale wuxuu odaygu sheegay in wasiirku xayiray dhismhiisii u socday ilaa imikana uu dhismihiisu ka xayiranyahay Oday iid ayaa ah oday curyaan ah oo hore xukuumadda madaxwayne siilaanyo u khaarajisay curadkiisii uu dhalay xili wakhtigaas xukuumadu dad ka raraysay xaafadda jajabka ee u dhaw cisbitaalka guud ee hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee wasiir cukuse ayaa isagoo adeegsanaya shaadh dawladeed odaygan curyaanka ah ku haysta wajahadii dhismihiisa, waxaana madaxwaynaha Somaliland la gudboon inuu arintan wax ka qabto si aanay markale meeshaas mushkiladi uga dhicin

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version