JUBA(WAJAALENEWS);Ciidamadda Dawladda Koonfurta Suudaan ayaa maanta qirtay inmucaaradku ka fara maroojiyeen magaaladda furaha u ah Ceelasha Shiidaalka Dalkaasi ee Bentiu, kadib markii ay ku soo qaadeen weerarkii ugu adkaa muddadii afarta bilood ahayd ee halkaas qul-qulatooyinku ka taagnaayeen.
Af-hayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in ay hore ugu dhaqaaqi doonaan magaalada Bentiu si ay dib ugu qabsadaan ciidamadda mucaaradka ee Riek Machar oo qabsaday markii Ciidamadoodu ka baxeen.
Af-hayeenka Ciidamadda dawladda Koonfurta Suudaan Philip Aguer ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Mucaaradku ay xasuuq ba’an u gaysteen dadka shicibka ah ee magaaladaasi
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM