WAJAALE NEWS

XISBIGA WADDANI: WAR-SAXAAFADEED GUDDIGA KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO TAMARTA OO KA HADLAY ARIMO BADAN ;GUDAHA KA AKHRI

 

HARGEISA(WAJAALENEWS);GUDIDA KAHAYRAADKA IYO TAMARTA EE XUSBIGA MUCAARIDKA AH WADANI AYA WARSIXAFEEDKOODA WAXAY KAGA HADLEEN ARIMO BADAN OO MUHIIMA IYO XUKUMADA UGU BAAQAY INAY ILAALISO KHAYRAADKA DALKA

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan ku soo bandhigayaa qodobada hoos kuqoran oo qodabkastaaba muhiimadiisa iyo miisaankiisa leeyahay.

Ummada Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuba waxay xaq u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan qaabka xukuumadoodu  u maaraynayso khayraadka dabiiciga ah.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu xooga saarayaa sidii shacabka Somaliland u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan

sida bulshada caalamku u maamulaan/maareeyaan khayraadka dabiiciga ah.

 

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in ay tusaale ugu filantahay barnaamijyadii ay xukuumadu waday ee shidaalka lagu soo saarayey qaabkii loo maamulay iyo halka ay ku danbeeyeen.

 

Insha Allah waxay guddidu falanqayndoontaa qodobada hoos ku qoran oo qodobkasta si taxane ah loogu soo gudbindoono saxaafada danaysa arrimaha Somaliland.

 

Soo gudbintaa la’xidhiidha aqoontaa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu hadafkeedu waa:

 

Qodobada guddidu si taxane  ah ugu soo gudbindoonta bulshada Somaliland qodobadaas oo ka mid ah barnaamijka Khayraadka dabiiciga ah ee Xisbiga WADDANI  waa:

 

  1. Shuruucda maaraynta, baadhista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah.
  2. Wacyi galinta bulshada Somaliland, si ay u ogaadan waxa wadanku xaq ugu leeyahay iyo waxa ay xaq u leeyihiin dhinaca khayraadka dabiiciga ah.
  3. Ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena iyadoo la dhiirigelinayo maalgashiga muwaadiniinteena iyo kan shisheeye labadaba.
  4. Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo horumarinta maamul wanaaga khayraadka dabiiciga ah si cadaaladaysan oo saami ah.
  5. U sameyn barnaamij mareynta lacagaha ka soo gala shirkadaha shidaalka iyo wax soo saarkaba, kaas oo ku salaysan daahfurnaan (tranparency).
  6. Dardar galinta barashada culuunta khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta, heer xirfadeed iyo heer aqoon sareba.
  7. Ka faaidaysiga tamarta dabaysha iyo cadceedda oo ah tamar mug leh oo Eebe inagu manaystay loona baahanyahay, dhiiri gelinta cid kasta oo ku foogan hirgelinta ka faa’iidaysiga tamartaas dabiiciga ah.
  8. Dardar galinta helitaanka biyo ku filan dadka, duunyada, beeraha iyo adeegyada kale ee u baahan isticmaalka biyaha isagoo u hawlgelaya soo saarista biyaha dhulka hoostiisa ku jira, joojinta iyo meelaynta biyaha dooxyada ama roobka iyo samaynta balliyada.
  9. Dhiirigelinta ka faa’iidaysiga khayraadka ku duugan dhulkeena, soo saarista shidaalka iyo macdanaha dalkeena ku jira iyadoo islamarkaana qorshe cad loo samanayo sidii lagaga taxadari lahaa waxyeelada deegaanka.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani waxay xukuumada u soo jeedinaysaa:

 

Ugu danbayn Xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu wuxuu qaranka Somaliland ugu ducaynayaa in Eebe ka dhigo khayraadkiisa dabiiciga ah mid barakaysan, khayrqaba oo umadda ku nool darif ilaa darif anfaca oo waxtar u leh.

In Eebe ina hareermariyo dhibka uu leeyahay soo saarista shidaalku iyo khayraadka dabiiciga ahi.

 

Lasocda qodobada kor ku xusan oo si taxane ah ugu soo bixi doona saxaafada Somaliland.

 

Allaah mahadleh

Xisbiga Waddani

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta

Exit mobile version