Hargaysa(WJN):- Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ay Soo Saartay Mar Kale Kaga Hadashay Dhibaatada Ayax Ka Dilaacay Xeebaha Galbeedka Somaliland Uu Ku Hayo Dhul Daaqsimeedka Waxaana Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Nuqul Ka Mid Ah Soo Gaadhay Shabakada Wararka Ee WAJAALENEWS U Dhignaa Sidan:-
Jamhuuriyadda Somaliland Republic Of Somaliland
Wasaaradda Beeraha Ministry of Agriculture
Minister of Agriculture
Tell: 520637, Mobile: 4240042 ministerfarah@hotmail.com
Ref: WB/XW/admin/ F- / /2014 Date: 01, 03, 2014
Ujeedo:Warsaxaafadeed
Wasaarada Beeraha Somaliland Waxay cadaynaysaa iyadoo horana dhowr jeer digniino
Ayaxaasi oo haatan dam ka siiyey daaq badan gaar ahaan Banka Giriyaad, Lughaya, Cabdigeedi, Ceeldarad, iyo Banka Goobaare, wuxuu ayaxaasi oo haatan korankor ahi u gudbayaa dalalka Itoobiya iyo Djabuuti.
Waxa jirta in xiligan xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi ayaxu ku habsaday oo ay adagtahay in la isticmaalo sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo ayaxa Sida “MALATHION”.
Sidaasi darted, wasaarada beeruhu waxay ku talo bixinaysaa in aan lagu degdegin in loo isticmaalo sunta khatarta ku ah xoolaha, dadka iyo deegankaba, balse loo isticmaalo habka makaanikalka ah.
Wasaaradu waxay ka waddaa jiidahaasi daawo aan xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato, hasa yeeshee ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arintaa.
Wasaaradu waxay si degdeg ah isugu yeedhay Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso arinta ayaxa sida FOA DLCO markii Labaad.
ALLAA MAHAD LEH
WASIIRKA WASAARADA BEERAHA, Pro: Faarax Cilmi Maxamed
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EAMIL;wajalenews@gmail.com