WAJAALE NEWS

Qaarkamida Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Gobolka Gabiley oo Soo Dhaweeyay Hanti dhawrka Baadhaya Xarunta dawlada hoose Gabiley Baaqana u Diray Cidkasta Oo Isku Dayda Inay Fara galiyaa Hawlaha Hantidhawrka

GABILEY (WAJAALENEWS) khamiistii  subaxnimadii  ayay ahayd markii dawlada hoose ee magaalada gabiley uu ku waabariistay hantidhowrka qaran Somaliland si loo baadho hanti laga lunsaday qasnada dawlada hoose ee gobolka gabiley

Arinta baadhitaan ka ayaa waxaa soo dhaweeyay qaarkamida xildhibaanada golaha degaanka e gobolka gabiley hadaba xildhibaanad ayaa aad isoo dhaweeyay hawsha hantidhowrka iyagoo ku tilmaamay inay gudanayaan shaqadii qaran waajibna kasaaran yahay inay sifiican u baadhaan hantida umada ee lalunsaday .

Hadaba shabakada wajaalenews oo caawa khadka telefonka kula xidhiidhay qaarkamida xildhibanada golaha deegaanka gabiley oo soo dhaweeyay arinta hantidhowrku ka wado dawlada hoose ee gabiley kuna tilmaay inay dawo u noqondoonto khilafkii golaha degaanka hadii ay shaqadooda sifiican u gutaan,hantidhowrku

 Xildhibaanada  waxaana hadaladoodiii kamidahaa   xildhibaan axmed bare siciid kibaar waanu soo dhawynaynaa hantidhowrka waananu  taageersanahay inlabaadho xafiisyda dawlada hoose,waxa kaloo sina kahadlay dareekiisa xildhibaan

 

xildhibaan cumar cali obsiiye  aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaa aranita baadhista ee kasocota xafiiska dawalada hoose waana arin qaranku u baahan yahay in lays xisaabiyo lana xisaab tamo

morankii hore ee gohulu wuxuu ahaa   hala xisaabtamo shaqaduna sidii layloo soo doortay ha usocoto

goluhu wuxuu leehay go,aan fulin taasina waxaa kow ka ah maayirka ,waxyaalha aan meesha kujirana waxaa kamida in aanu goluhu noqoon mid sacabka uun tuma, ishaysigayaguna wuxu ahaa gaabisbaynu nahaye aynu waxqabano  ayuu yidhi xildhiban cali cumar obsiiye

Xildhibaan Axmed cali maxamed(sangub) oo isna kahadlay qofkasta masuuliyad ayaa saaran  hantidhawrkuna waxay gudanayaan masuuliyadii qaranka u hayeen waxaana u aragnaa inay kamid tahay balanmihii uu madaxwaynuhu umada u qaday ka gole ahaana waxaanu diyaar u nahay in sedexdii biloodba marlana baadho si xoolaha umadu unabad galaan loona xisaabtamo.ayuu yidhi  Xildhibaan saygub

Waxakale oo sian arintan hantidhawrka soo dhaweeyay xildhibaan caydaruus cabdilaahi sheedaal oo kamida golahadeeganka gabiley aad iyo aad ayaanu usoo dhawaynaa hantudhowrku iyagoo shaqadoodii gudanaya wana waajib saaran qarankan cidkastoo masuuliyad saarantahayna waala baadhayaa hadii wax lagu helana sharciga ayaa lahorgay hadii wax lagu waayana masuul kastaa hawshiisa ayuu gudan ceebna maaha in wax labaadho ee waxa ceeba qofkasta oo baalmara sharciga

Guud ahaan dadwayanah reer gabiley ayaa maalmahan aad u hadal hayay arinta hantidhowrku kawadaan magaalada gabiley iyagoo ugu baaqay cidkasta oo faragalin kusamaysa siiba, qaarkamida xukuumada kana soo jeeda gabiley inay fara galinta kadaayaan qolada waxbaadhaysa masuuliyiinta ayaa lagu tilmamaa inay  qaybka yihiin musuqmaasuqa ragaadiyay dawlada hoose ee gabiley

ISKU SOO WADADUUBOO WAXAA LAGA WARSUGAABA WAA NATIIJADA KASOO BAXDA ARIMAHA BAADHITAANKA

MAGACAANTA XILDHIBAANDA

1;XILDHIBAAN CUMAR CALI OBSIIYE

2;XIL AXMEDBARE SICIID KIBAAR

3;XIL CAYDARUUS CABDILAAHI SHEEDAAL

4;XIL AXMED CALI MAXAMED(sangub)

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version