WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah; Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Si Kulul u Beenisay Wararka Sheegaya In Xuduuda Wajaale Ay Ku Xidhayaan Silig Iyo fariinta Ay Udireen Bulshada Ku Dhaqan Magaalada.

TOG WAJAALE(W,N)-Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay warar laga baahiyay kaasi oo lagu sheegay in ay magaalo xuduudeedka wajaale ay ku xidhayaan silic si bulshada u kala gudbaysa goob kaliya ay umaraan.

Warkan oo Saacadihii udanbeeyay Bulshada ku dhaqan Magaalada wajaale ku abuuray dareeno  kacsan khalkhalna galiyay shacabka  ku dhaqan magaalada ee labada daamood

Arintan ayaa waxaanu waxka waydiinay Agaasimaha Waaxda Kastamada Ee Wasaarada maaliyada oo ku sugan magaalada wajaale isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegayna in warkaasi yahay mid been abuuro oo bulshada lagu khalkhal galinayo.cidii baahisayna ay ku daba jiraan

Agaasime Idiris oo khadka Telefonka ugu waramay shabada Wararka Ee wajaalenews.net  ayaa Sidoo kale  faah faahin ka bixiyay ujeedada safarkoodan oo ay ku weheliyaan gudida dakhli kardhinta ee wasaarada maaliyada  iyo taliyaha ciidanka Tulbataariyada .

HALKAN KA DHAGAYSO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version