WAJAALE NEWS

MAXKAMADAHA-SOMALILAND-OO-SHAACIYEY-IN-XUKUUMADDU-FAROGELIN-QAAWAN-KU-HAYSO-GARSOORKA

HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex oo khashifay in aannu garsoorka Somaliland wax madaxbannaani ah haysan

“Ha ugu darnaadaan wasiirrada dawladdu, kuwa aannu khaatiyaanka ka taagannahay ee qofkii la soo xidhaba daba socda ee sii daaya leh horta waa wasiir”

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyeyaal iyo garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Gobolka Marooodi-jeex iyo Maxkamadda Racfaanta Hargeysa, ayaa si kulul uga hadlay farogelin qaawan oo ay sheegeen in wasiirro xukuumadda ka tirsan ku hayaan madaxbannaanida garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Mr. Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Mr. Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Durraan), qareen Maxamed Siciid iyo garsoore Xuseen Belel oo si wadajir ah ugu warramay weriyeyaal ka tirsan telefinnnada Qaranka iyo HCTV, ayaa si xooggan u cambaareeyey farogelin masuuliyiin dawladda ah iyo xildhibaanno kala duwan ku hayaan hawlaha garsoorka iyo habsami-u-socodka dacwadaha maxkamaduhu ganacta ku hayaan.

 

Guddoomiye Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Dhegodhego), ayaa sheegay inay khaatiyaan ka joogaan wasiirrada ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inay daba socdaan qof kasta oo la xidho hadduu tuug yahay iyo haddii uu qof wax dulmiyaya yahayba.

“Garsoor la caayayo oo la dhaliilayo ayuun baad arkaysaa, waana ayaan-darro, ha ugu darnaadaan wasiirradii dawladdu. Kuwa aannu khaatiyaanka ka taagannahay ee qofkii la soo xidhaba daba socda ee sii daaya leh horta waa wasiir; haddii uu tuug noqdo, hadduu dhaawac noqdo 24-ka saacadood ka leh sii daaya waa wasiir, ninkan wax dulmayaana waa nin wasiir haysta oo saxaafad iyo suldaan haysta, oo madaxtooyada geli kara oo been sheegi kara oo loo heellan yahay, marka dacwad laga qabtana markiiba wuxuu odhanayaa horta garsooraha kiiska hayaa waa qolama, markaasuu reerkooda noqon waayayaa, kadibna uu odhanayaa gabadhiisu waa qoloma oo ay reerkooda noqon waayeysaa, markaasuu haddana odhanayaa hebel bay isku qolo yihiin, dabadeedna hebelkii ayaa kula soo hadlaya, haddana waxa la doonayaa xildhibaankaagii iyo suldaankaagii. Ninka xaqa leh cidna kama soo horreyso ee halkaasi ayuu marayaa oo cidna juuq uma yidhaa, laakiin ka barobogaadhada shubayaa waa daalinka. Waa ninka wasiir haysta ee Baarlamaan, Guurti iyo suldaanno haysta ee ummadda oo dhan kula soo hadlayso ee guryahayagu khaatiga ka taagan yihiin.

Waxa jira niman wasiirro ah oo u hadlaya tuug oo ku odhanaya hebel maxaa loo xidhay? Waar tuugnimo ayuu u xidhan yahay, marka sidii uu doonayey loo diidana wuxuu odhanayaa garsoorkii laashuush buu qaataa, halkee ayuu ku arkayey?” ayuu yidhi Guddoomiye Dhago-dhago.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cabdirashiid Durraan, ayaa si gaar ah uga hadlay duruufaha kala duwan ee haysta garsoorka dalka, isagoo xusay in dhibta ugu weyn ee maxkamaddiisa haysataa tahay dhisme la’aan, isagoo xusay inay ku shaqeeyaan hool yar oo ay leedahay Maxkamadda Gobolka oo garsoorayaasha qaadaya dacwadaha racfaanku iska daba sugaan.

“Garsoorka iyo maxkamaduhu meesha ay ku shaqaynayaan ma aha wax ku filan shaqada, haddana intaa waa la dhaliilaa oo kii wax laga xukumaaba wuxuu odhanayaa kiis baa la igu xukumay oo caddaalad ma jirto, haddana cid keliya oo caddaaladda ka sheekaynaysa oo odhanaysa baahidaasi ayuu garsoorku qabaa oo dhaqaale ayey u baahan tahay ama madaxbannaanidaasi ayey u baahan tahay, in la caayo mooyee cid ma ammaanto. Dacwad kasta oo la qaadaa cid baanay raalligelinayn ee waxaannu u baahan yanahay in cayda nalaga daayo.

Garsoorku dakhliga dawladda ayuu ka qaybqaataa oo sannadkan oo keliya lacag aan suurogal ahayn oo aan lagu talogelin ayuu soo saaray, iyagoo ka dadaalay fiiga maxkamadaha laga qaado, ganaaxyada dadka maxaabiista ah ee la xukumo la saaro, caddaymaha guurka iyo furniinka iyo mucaamalaadka kale marka la isu-geeyo hal bilyan oo shillinka Somaliland ah ayey sannadkan maxkamaduhu (kuwa Hargeysa) soo saareen. Weligeed may dhicin ee sannadihii hore waxay soo saari jireen 150 iyo 200 milyan, weliba waxaannu doonaynaa in aannu ka sii kordhinno halkaas, baahidayada iyo wixii dhib ee maxkamadaha ka jirana in aannu u bandhigno xukuumadda iyo ciddii kale ee wax nagala qaban karta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex.

Garsoore Xuseen Belel oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa isaguna si gaar ah farta ugu fiiqay in Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan uu farogelin toos ah ku sameeyey garsoorka Somaliland.

“Dastuurka waxa ku taal inay kala madaxbannaan yihiin oo ay kala yihiin; Sharci-dejin, Garsoor iyo Fulin, markaa anigu waxaan ka hadlayaa farogelinta xukuumaddu ku hayso garsoorka. Afka ayuun baa laga yidhaa garsoorku wuu madaxbannaan yahay ee ma madaxbannaana ee faraha ayaa lagula jiraa. Warqadda halkaa taal waxa soo qoray Wasiir-ku-xigeenka Amniga Mr. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo waxa ku taal waa inaad wareejisaa gal-dacwadeedkaasi, ninka uu amrayaana waa Guddoomiyahan Maxkamadda Gobolka ee i horfadhiya (Faysal Dhegodhego) oo ay kala madaxbannaan yihiin. Wuxuu ka hadlayaa waa dacwad tuug ku eedaysan qodobadda 480 iyo 481 eedaynta Xeer-ilaalinta,” ayuu yidhi garsooruhu.

Waxa kale oo uu xusay inay jiraan wasiirro xukuumadda ka tirsan oo caadaystay farogelinta hawlaha garsoorka, “Ma aha wasiirkaasi uun isagu oo warqad buu soo qoraybe’e qaar baa iska caadaystay inay telefishannada soo fadhiistaan maalin walba oo caytamaya. Annagu caytami mayno oo xasaanad baannu leenahay oo ummadda ayaannu xil u haynnaa oo wax kasta waannu u dulqaadanaynaa, karaamadeediina waannu leenahay. Waxa waajib nagu ah in aannu shaqada qaranka si fiican oo hufnaan iyo caddaalad u qabanno. Annagu cidna u habran mayno oo walaa wasiir iyo cid ka sarraysa ayaanaan caashaqsanayn. Msuuliyadda qaranka aannu hayno Ilaahay baa nagu eegaya oo aannu kaga cabanaynaa. Garsoorku wuu is-xorayn doonaa ee maalin walba wasiir na caayi maayo,” ayuu yidhi Garsoore Belel.

Qareen Maxamed Siciid oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaaday madaxbannaanida garsoorka, balse waxa uu xusay in xukuumaddu farogelin xoog ah ku hayso waaxda garsoorka, waxaannu yidhi; “Wasiirka yidhaa garsoorku wuu xun yahay, waa qaran ma jiro. Wuxuu caayayaa madaxweynaha iyo qaranka oo dhan, haddii dhaliili ku jirto garsoorkeenna waxa leh xukuumadda, waayo ma madaxbannaana oo farogelin ayuu ku jiraa. Saacad walba waxa soo farogeliya dawladda.

Arrinta labaad ee khatarta ah waa culayska warbaahinta oo kiiska ay dhinac ka yihiin warbaahintu annagoo dhinaca ka ah ayey siday doonaan uga hadlaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay inay caddaalad uga hadasho warbaahintu kiisaska dacwadaha.

Garsoorku duruufo adag ayey ku soo shaqeeyeen in loo mahadnaqo oo la ilaaliyo ayey mudan yihiin, wixii ka dhiman lagu taageero, wixii ka khaldan in la toosiyo, laakiin ma mudna in la caayo. Maanta waxaynu haysanaa meel loo dacwadoodo, haddii garsoor la waayo dadku caloosha ayey iska soo wada ridi lahaayeen. Waxaan aad ula yaabay wasiir ka cabanaya garsoore ayaa wax xidhay. Waa nin ka cabanaya basbaas baa kulul, waaba shaqadiisa garsooraha inuu waxna xidho, waxna sii daayo. Waa masiibo inuu garan waayo wasiir masuul heer qaran ah.”

Garyaqaan Maxamed Siciid, ayaa sidoo kale sheegay in qofka garsooraha ah yahay bani’aadam oo uu khaldami karo, “Garsooruhu waa qof bani’aadam ah oo wuu qaldami karaa. Haddii uu qaldamo meel looga cawdo ayaa jirta oo Guddiga Caddaaladda ayaa looga cawdaa, weliba waxaannu ballanqaadaynaa oo dadweynaha ku dhiirrigelinaynaa in ciddii ka cabanaysa garsoore aannu siinno talo iyo taageero madaxbannaan, waayo sharciga kama sarreeyo, laakiin maaha in la aflagaadeeyo,” ayuu yidhi qareenku.

 

Xigasho: Wargayska Jamhuuriya

Exit mobile version