WAJAALE NEWS

Nuxurka Qodobada ka soo baxay shirkii 28aad ee Golaha sare ee SONYO (War-murtiyeed).

Hargaysa(Wajaale News):-(SONYO Umbrella Media) – Golaha Sare ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo yeeshay kal-fadhigoodii 28aad ee caadiga ahaa oo ku qabsoomey Huteel Maansoor ee magaalada Hargeisa July 4th – 5th, 2014, waxa ay kal-fadhigoodan oo ahaa mid muhiimaddiisa lahaa kaga doodeen arrimo badan oo xasaasi ah oo khuseeya horumarka dhaqan dhaqaale ee guud ahaan dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan marxalada maanta dhallinyarada JSL ku sugan yihiin iyo wax ka qabashadeeda. Waxa Golaha Sare hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay doorka shariifka ah ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO kaga jirto xaqiijinta himilada fog ee dhalinyarada JSL iyo baahida loo qabo sii xoojinteeda.

Qodobbada iyo go’aannada ka soo baxay Kal-fadhiga 28aad ee Golaha Sare waxa ay yihiin:

1.      Ugu horayn shirka Golaha Sare waxa uu salaan iyo bogaadin balaadhan u dirayaa guud ahaan shacbi weynaha JSL, gaar ahaana Dhallinyarada JSL bisha barakaysan ee Ramadaan darteed, waxaanu u rajaynayaa in Alle CWJ ina siiyo barakada bisha barakaysan ee Ramadaan, inaga aqbalo acmaasha suuban iyo cibaadada, bishan bisheedana inagu gaadhsiiyo bash-bash, badhaadhe iyo horumar ummadeed.

2.      Shirka Golaha Sare waxa uu aad ugu faraxsan yahay in Dallada SONYO si mug leh uga qayb gashay abaabulida tartanada ciyaareed ee bisha barakaysan ee Ramadaanta ka dhaca dhammaan gobolada dalka oo dhan, iyada oo wajigii hore ku wareejisay Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Qaranka qalab ciyaareed dhammaystiran oo dhan 70 kooxood oo ka dhisan 7 gobol oo JSL ah. Wareegii labaad ee wareejinta qalabka ciyaareed ee bisha barakaysan oo dhanaa qalab ciyaareed dhammaystiran ee 23 kooxood waxa ka faa’iidaystay laba gobol oo kala ah gobolada Togdheer iyo Saraar. Ujeedada wareejinta qalab ciyaareedka 93 kooxood ka faa’iidaysteen waxa ay ahayd in la dhiirigaliyo dhallinyarada JSL ee ciyaaraha jecel, in la sahlo is-dhexgalka iyo is-barashada dhexmaraysa dhallinyarada iyo in laga wacyi-galiyo dhallinyarada JSL masiibada tahriibta ee haligtay dhallinyaro tiro badan. Shirku waxa uu u rajaynayaa dhammaan ciyaartoyda dhallinyarada ah ee ka qayb gali doona tartanada ciyaareed ee kubada cagta ee bisha Ramadaan in ay ku dhammaystaan soo bandhiga ciyaaro hufan, farsamo saraysa iyo walaalnimo, isku xidh iyo is barasho dhexmarta dhallinyarada kale ee facooda ah.

3.      Shirka Golaha Sare waxa uu ku faraxsan yahay abuurista iyo ku dhawaaqista Hiraalka mudda fog ee labaatan guurada Dallada SONYO (SONYO Umbrella Vision 2023) oo ah marka si kooban oo sahlan loo dhigo, isku filaansho aqooneed, maaliyadeed iyo horumar ay horseed ka yihiin dhallinyarada JSL, kaas oo waafaqsan Siyaasada Horumarinta Dhallinyarada Qaranka, Hiraalka Qaran ee muddada fog ee JSL (Somaliland Republic Vision 2030) iyo Hiraalka mudda fog ee Qaarada Madow ee Africa ee kontonka sanno ee soo socda ee loo yaqaan (Africa Vision 2063). Hiraalka labaatan guurada dallada SONYO waxa u adeeegi doona qorshaha 5-ta sanno ee dallada ee hadda yaala, fulintiisuna socoto iyo qorshaha ka dambeyn doona Insha Alla.

4.      Shirku waxa uu war-war iyo walaac balaadhan ka muujiyey shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyarada JSL oo muddan in talo qaran laga yeesho, adduunkana la gar-gaarsado. Shaqo la’aanta baahsan ee jirtaa waxay khatar ku tahay nabada, xasiloonida iyo horumarka JSL, dalalka Geeska Africa iyo Adduunkaba. Waxay keeni kartaa masiibo aan lasaadaalin karin hadda, haddii aan la maarayn muruqa, lana maalin maanka san ee haddana dihin ee dhallinyarada JSL ee maanta. Sidaas darteed, Shirku waxa uu baaq mug leh u dirayaa adduun weynaha waxaanu si sharaf leh uga codsanayaa in dawlada iyo shacab weynaha JSL wax lagala qabto arimaha shaqo abuurka dhallinyarada JSL, taas oo wax badan ka tari doonta xasiloonida iyo nabad kuwada noolaansha wadamada Geeska Africa iyo guud ahaan badhaadhaha aadamaha adduunka.

5.      Shirku waxa uu cambaarayn buuxda u dirayaa silsiladaha aboolayaasha ah ee ku macaasha dhallinyarada tirada badan ee ka suudalaysa dalkooda hooyo, iyaga oo marinaya jidad iyo marino khatar badan nolol ahaan ama dulli badan sharaf ahaan. In badan oo dhallinyarada JSL ee suudalay ayaa u god-galay rumaynta riyooyin dhalanteed ah oo uga gilicle qaarada Yurub. In badan oo dirqi ku nabad-galayna waxa ay la nool yihiin dhib maskaxeedkii (Trauma) ka soo gaadhay jidkii dheeraa ee haraadka iyo surmiga badnaa ee ay soo mareen iyo qodida xabaal bilaashta ay u kala jeexayeen dhallinyaro badan oo facooda ah oo socodka kula lammaanaa. Shirku waxa ugu baaqayaa in xukuumada JSL iyo hayadaha amniga ee kala duwan in ay talaabo adag ka qaadaan silsiladaha kala dambeeya ee ah aboolayaasha tahriibiya dhallinyarada JSL, ganacsiga sharci darada ahna ka dhigtay suudalinta ubaxii dalkeena iyo dhiiga ka tifleh dhafoorada dhallin badan, taas oo xanuun iyo xumad badan ku beertay waalidiin tiro badan

6.      Shirku waxa uu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo wax ka qabashada ajaanibka tirada badan ee shaqo taga ah ee ku soo qul-qulaya JSL, dhallinyaradii dalkana ku cidhiidhyey fursadihii shaqo ee jiray, gaar ahaan, Hayada Caalamiga ah ama kuwa Qaramada Midoobay. Ajaanibka tirada badan ee dalka ka shaqeeya badankoodu malaha xirfado iyo takhasus gaar ah oo ay dheer yihiin dhallinyarada JSL, taasina waxay lidi ku tahay Xeerka Shaqaalaha Dalka oo odhanaya, ‘Shaqada uu qaban karo muwaadinka u dhashay JSL, ma qaban karo qof ajaanib ahi”. Arinta ajaanibka dalka sida xooga leh uga shaqeeyaa waa wal-wal weyn oo haysta dhallinyarada dalka, caqabadna ku ah fursado badan oo ay heli lahaayeen. Shirku waxa uu cod dheer ku dalbanayaa in xal deg-deg ah loo helo arintan, Dallada SONYO waxay diyaar u tahay in ay bixiso wixii farsamo iyo talo bixin ah ee looga baahdo.

7.      Shirku isaga oo ka duulaya baahida loo qabo aloosida fagaare dhallinyarada dalku kaga arinsato xalinta arimaha kurbada ku haya iyo utalo badsiga waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, waxa uu soo jeediyey qabashada Shir-weynaha Dhallinyarada Qaranka ee ugu horeeyey noociisa. Sidaas daraadeed, Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee JSL ee SONYO iyo Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxa ay si wada jira ugu dhawaaqayaan in, 16ka iyo 17ka bisha August, 2014, la qabto Shir-weynaha Dhallinyarada Somaliland (Somaliland Youth Conference). Shir-weynahaas oo dhallinyarada dalku kaga arinsan doonto waayaha ku gadaaman maanta iyo kuwa mustaqbalka labadaba. Shirkaas waxa ka soo bixi doono qaraar rasmi ah oo xambaarsan talooyin wax-ku-ool ah iyo muhiimadaha (priorities) arimaha dhallinyarada iyo xalkooda. Shirku waxa uu noqon doonaa sannadle baaxad weyn leh, waxaana lagu beegay toddobaadka uu dhacayo xuska maalinta dhallinyarada Adduunka si qaraarka shirka ka soo baxaa cod ugu biiriyo qaraarada dhallinyarada adduunku ku gaadhayso shirarkooda. Haddaba, waxa shirku ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha arimaha dhallinyarada in ay ka qayb galaan qabashada Shirweynaha Dhallinyarada JSL (Somaliland Youth Conference).

Ugu dambayntii, si loo rumeeyo riyooyinka badan ee hilaadinaya horumarka, si loo xaqiijiyo guulaha dhallinyaro ee ay kohanayso laabtoodu in maalin uun la xaqiijiyo, waxaa inagu waajib ah dhallinyaro ahaan in aynu mid ahaano, hagar-baxno oo hawshoono, la inagu tilmaansado hufnaan, lana nimaadno hal-abuurnimo cusub. Waxaa inagu waajib ah dhallinyaro ahaan in aynu u hiilino da’yarteena duruufaha kala duwan la nool. Dallada SONYO waxa ay dhexda u xidhan tahay fulinta Qorsheyaasha badan ee u yaalla, waxayna hormood ka tahay xaqiijinta himilada iyo hanka dhallinyarada JSL. Dhibaatooyinka dhallinyarada JSL maanta horyaal waxa lagu waajihi karaa kaliya midnimo, mudakarnimo, maan kobocsan, han sareeya iyo aragti fog oo hilaadisa horumar ummadeed oo ka madhan kala qoqobnaan iyo gobolaysi. Cidii ku sifowdana laga fogaado. Waxa la gaadhay wakhtigii dhallinyarada JSL dalkooda ugu hagar bixi lahaayeen aqoonta lagu habay ioy cududooda dihin.

 

Shirku wuxuu u rajaynayaa dhallinyaradda iyo guud ahaan dadweynaha JSL guul iyo barwaaqo.

Allaa Mahad Leh

Guul Iyo Gobanimo Ha Ku Waarto JSL

 

Mubarak Ismail Taani,

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO

Hargeisa, Somaliland.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version