Untitledwaftigan ayaa markii uu soo gaadhay magalada dila si wayn loogu soo dhaweyay kadib madaxwayne ku xigeenka ayaa markii uu soo gaadhay magalada goroyo cawl waxa uu jidka uga leexday dhinaca waqooyi ee deegaanka shaylaha ,oo borama kaga beegan dhinaca koonfur bari una jirta ku dhawaad 7 km halkaasi oo uu ku booqday ceelasha cusub oo dhawaan halkaa laga hirgaliyay kaas oo qacan ku hayntiisa ay lahayd shirkada adeegyada bulshada SHABA iyo hayad sama fal ah oo ka soo jeeda dalka kuwayid,
kadib waxa uu madaxwayne ku xigeenku xadhiga ka jaray hirgalinta ceelashaas munaasibadan oo ugu horayn hadal ka jeediyay gudoomiyaha shirkada SHABA Maxamed Nuur Faahiye oo isagu carabka ku dhuftay ahmiyada ceelashan ay u leeyihiin biyo baahinta magalada borama gaar ahaan dhic yada oogada iyo galbeedka magaladaasi una mahad naqay shirkada reer kuwayd ee fulisay samaynta ceelashan .
dhanka kale waxa isna hadal ku saabsan ceelasha iyo baahida, biyo yaraanta hore uga jirtay borama iyo deegamada ku hareeraysan ka jeediyay halkaas madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland cabdiraxman saylici ugu danbayna ilahay ka baryay in ceelashani inuu ka dhigo kuwo barakaysan oo lagu haqab beelo .
inkastoo socdaalka madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisa aad moodo in ay soo dhawayn loogu tala galay ay wax ka badashay munaasibada furitaanka ceelasha oo si wayn looga dareemay soo dhawaynta dadwayne aad u fara badan oo iyagu u hanqal taagayay in uu jidka wadnaha ee magalada borama soo maro oo iyagu tugnaa jidka hareerihiisa ilaa iyo laga gaadho taaga tuulada goroyo cawl laguna arkayay jidka hareerihiisa baabuurta iyo dadka buux dhaafiyay balse dadkaas ayna ka war qabin munaasibada furitaanka ceelasha oo iyadu ka qayb ahayd socdaalka madaxwayne ku xigeenka balse ay kawar heleen duhurnimadii in madaxwayne ku xigeenka iyo wafitgiisii uu dhinaca bari ee jidka camuud taga uu ka soo galay magalada ugana gudbay hotel rays ,halkaasna uu kaga qayb galay munaasibad qado sharaf ah oo ay u sii diyaariyeen shirkada adeegyada bulshada ee SHABA.
si kastaba ha ahaatee madaxwayne ku xigeenka ayaa socdaalkiisa ayaa sida aan ku hayno wararka isla galinka danbe ee galabnimada maanta uu ku guryo hoyan doono magalada hargaysa.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane