Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Ceelal Biyood oo Boorma laga warabinayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Ceelal Biyood oo Boorma laga warabinayo.
March 3, 2014 - Written by Wariye:

booramaBoorma (Wajaale News):-madaxwayne ku xigeenka jahmuuriyada somaliland eng c/raxman cabdilahi ismaciil ayaa ka soo ambabaxay magalada hargaysa oo fadhigiisu ahaa kaas oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan wasiirka wasarada biyaha wasiir dawlaha maaliyada iyo qaar ka mid ah xildhibanada golaha wakhiilada  iyadoo ay jidhka u dhaxeeya dila iyo gabiley ay kaga hortageen kusimaha gudoomiyaha gobolka awdal ahna gudoomiye ku xigeenka gobolka awdal cabdiraxman nuur sugaal  iyo duqa degmada borama saleeban xasan xadi iyo gudoomiye ku xigeenkiisa maxamed maxmuud dherayste , xoghayaha fulinta dawlada hoose xasan yuusuf riirash iyo xubno ka tirsan golaha deganka ee degmada borama iyo gudoomiyaha shirkada adeega bulshada ee SHABA maxamuud nuur faahiye oo ay waheliyaan saraakiil ka tirsan shirkadaasi iyo saami layda shirkadaas
Untitledwaftigan ayaa markii uu soo gaadhay magalada dila si wayn loogu soo dhaweyay kadib madaxwayne ku xigeenka ayaa markii uu soo gaadhay magalada goroyo cawl  waxa uu jidka uga leexday dhinaca waqooyi ee deegaanka shaylaha ,oo borama kaga beegan dhinaca koonfur bari una jirta ku dhawaad 7 km halkaasi oo uu ku booqday ceelasha cusub oo dhawaan halkaa laga hirgaliyay kaas oo qacan ku hayntiisa ay lahayd shirkada adeegyada bulshada  SHABA iyo hayad sama fal  ah oo ka soo jeeda dalka kuwayid,
kadib waxa uu madaxwayne ku xigeenku xadhiga ka jaray hirgalinta ceelashaas munaasibadan oo ugu horayn  hadal ka jeediyay gudoomiyaha shirkada SHABA Maxamed Nuur Faahiye oo isagu carabka ku dhuftay ahmiyada ceelashan ay u leeyihiin biyo baahinta magalada borama gaar ahaan dhic yada oogada iyo galbeedka magaladaasi una mahad naqay shirkada reer kuwayd ee fulisay samaynta ceelashan .

Untitled
dhanka kale waxa isna hadal ku saabsan ceelasha iyo baahida, biyo yaraanta hore uga jirtay borama  iyo deegamada ku hareeraysan ka jeediyay halkaas madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland cabdiraxman saylici  ugu danbayna  ilahay ka baryay in ceelashani inuu ka dhigo kuwo  barakaysan oo lagu haqab beelo .

inkastoo socdaalka madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisa  aad moodo in ay soo dhawayn loogu tala galay ay wax ka badashay munaasibada furitaanka ceelasha oo si wayn looga dareemay soo dhawaynta dadwayne aad u fara badan oo iyagu u hanqal taagayay in uu jidka wadnaha ee magalada borama soo maro  oo iyagu  tugnaa jidka hareerihiisa ilaa iyo laga gaadho taaga tuulada goroyo cawl laguna arkayay jidka hareerihiisa baabuurta iyo dadka buux dhaafiyay  balse dadkaas ayna ka war qabin munaasibada furitaanka ceelasha oo iyadu ka qayb ahayd socdaalka madaxwayne ku xigeenka balse ay  kawar heleen duhurnimadii in madaxwayne ku xigeenka iyo wafitgiisii  uu dhinaca bari ee jidka camuud taga uu ka soo galay magalada ugana gudbay hotel rays ,halkaasna uu kaga qayb galay munaasibad qado sharaf ah oo ay u sii diyaariyeen shirkada adeegyada bulshada ee SHABA.
si kastaba ha ahaatee madaxwayne ku xigeenka ayaa socdaalkiisa ayaa sida aan ku hayno wararka isla galinka danbe ee galabnimada maanta uu ku guryo hoyan doono magalada hargaysa.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS