WAJAALE NEWS

Jaamacada Camuud Waxay U Baahan Tahay Isbedel Iyo Dhiig Cusub Oo Hogaamin Leh, Sidii Kulmiye-ba Udub U Badalay”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac

Hargeysa, (Wajaalenews) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Loyar) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee xisbul xaakimka Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa soo jeediyay in Jaamacada Camuud ee magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ay u baahan tahay isbadal lagu sameeyo hogaankeeda, waxaanu sheegay in isbadalku keeni karo horumar lagu talaabsado.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo shalay xarunta Haatuf soo gaadhsiiyay qoraal uu arrimahaasi kaga hadlayo ayaa nuxurkiisu u dhignaa sidan:-

“Sida caadadu tahay Bani’aadanku waa Bashar marka masuuliyad loo dhiibana wuu daallaa waana laga daallaa.

Hadaba si ay Jaamacada Camuud ee xarunta gobolka Awdal ee Boorama ay u hesho horumar ka balaadhan kii hore loogu yaqaanay waxaa haboon in Jaamacada Camuud loo helo dhiig cusub iyo maamul da’yar oo leh hogaamin.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud waxa uu sheegay 2010kii 1. In Jaamacadu ay gaadhay horumar iyo isku filaansho, kaas oo uu ka sheegay waraysi uu siiyay xilligaasi idaacada laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

2. Waxa kale oo uu sheegay in Jaamacadu ay leedahay hanti ma-guurto ah oo aanay ku jirin qol kaliya oo kiro ah, kuwii dhigeeduna ay ku jiraan guryo kiro ah sida Jaamacada Elo University.

Sababahaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in laga joojiyo cashuuraha dawlada hoose ee Boorama ay u jarto oo dham 3% iyo cashuurta kale ee looga jaro biyaha uu sheegay in 3% maadaama maamulku uu sheegay inay ka baahi baxeen oo isku filaansho gaadheen, taas darteedna uu xarunta Jaamacada ka cadeeyay in isku filaansho ay gaadhay Jaamacadu sidaa darteed laga joojiyo cashuurta looga jaro dawlada hoose.

Anigoon runtii aan doonayn inaan sii dooxo dhaliilaha badan ee ka muuqda Jaamacada hadana waxaa waajib ah oo loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo hogaanka maamul ee Jaamacada Camuud, kaas oo isbadalku keeno horumar sidii Kulmiye-ba uu u badalay Udub, horumat muuqdana loo arki karo”.

Exit mobile version