WAJAALE NEWS

Diyaaraddii Malaysia Ee Ay Saarnaayeen 239 Rakaab Ah Oo Wali La Laayahay.

shil diyaaradeedHargeysa-(Wajaale News)-Madaxa hay’adda duulimaadka Malaysia ayaa sheegay in la la’yahay halka ay ku dambaysay diyaaraddii luntay saddex maalmood ka hor, isagoo sheegay in laga yaabo xitaa in la afduubay.
Azharuddin Abdul Raxman ayaa sheegay in ilaa haatan aan la hubin wararka sheegayay in burbur lagu arkay qeybo ka mid ah badda Vietnam.

Kooxaha gurmadka oo wata diyaarado iyo maraakiib ayaa baaritaano kawada badda koonfurta Shiinaha.

Diyaarado iyo maraakiib caalami ah oo tiro badan ayaa ka qeybqaadanaya baaritaanka diyaaraddan.

Waxana ay badi goobayaan diyaaradii la waayay ee ka duushay Malaysia una socotay Shiinaha.
Diyaarad laga leeyahay Vietnam ayaa sheegtay in ay ku aragtay wax u eg albaab diyaaradeed koonfurta Shiinaha.

Balse ma jiraan cadaymo muujinaya in waxa diyaaradu aragtay ay yihiin burburka ama raqda diyaaradii la waayay.

Diyaaradaasi oo ay saarnaayeen 239 ruux iyo shaqaalihii diyaarada ayaan ilaa hadda la ogayn halka ay ku dambaysay.
Ehellda dadkii saarnaa diyaaradda ayaa loo sheegay inay wax kasta u diyaar goroobaan Baaritaanadu waxa ay hada diirada saarayaan labo nin oo watay baasabooro la soo xaday kuwaas oo diyaarada raacay.

Wahel Ka Dhigay  Wajaalenews

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews.com

Exit mobile version