WAJAALE NEWS

Diyaaraddii maqanay oo si weyn loo Raadinayo iyo Ehellada dadka saarna diyaaradda la la’yahay ayaa ka walwalsan in aanay helin macluumaad ku filan

(WAJAALENEWS)Afar diyaaradood oo ay leeyihiin ciidammada cirka ee Australia iyo 6 markab oo ah kuwa xamuulka, ayaa ka qeyb qaadanaya baadigoobka loogu jiro diyaarada la la’yahay ee shirakadda Malaysia Airlines.

Baadigoobka oo galay maalintii labaad ayaa ka socda goob ka tirsan Koonfurta Badweynta Hindiya, taas oo qiyaastii 2,500 oo KM dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Perth ee Australia.

Sawirro lagu qaaday dayax gacmeed oo la shaaciyay Khamiistii shalay ahayd, ayaa muujinaya wax u eg qeyb ka tirsan burbur diyaaradeed oo badda dul sabaynaya.

Hawada oo xumaatay

Dadaalka caalamiga ah ee baadigoobka diyaaradda ayaa xalay la hakiyay hawada oo xumaatay awgeed.

Dhanka kale, shirkad bixisa adeega dayax gacmeedka oo laga leeyahay Britain ayaa BBC-da u sheegtay in 10 maalmood ka hor ay jirtay suuragalnimo ahayd in burburka diyaarada laga heli karo qeybta Koonfureed ee badweynta Hindiya ama bartamaha Asia, balse ay jirtay rajo yar oo ku aadan in laga helo Koonfurta badda Shiinaha iyo gacanka Malacca oo ah goobaha ay baadi goobka xoogga ku saartay dowladda Malaysia.

Wasiirka gaadiidka Malaysia

Wasiirka gaadiidka ee Malaysia Hishammuddin Xuseen ayaa maalin ka hor sheegay in sawirka dayax gacmeedka lagu arkay uu yahay tilmaanta ugu wanaagsan ee ay hadda hayaan.

Qaar ka mid ah ehelada 239-ka qof ee diyaarada luntay saarnaa ayaa ammaanay dadaalka ay dowladda Malaysia waddo ee ku aaddan baadi goobka.

Diyaarada la la’yahay ayaa ka soo kacday magaalada Kuala Lumpur ee wadanka Malaysia- waxaana marka ay lumaysay ku sii jeedday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Exit mobile version