WAJAALE NEWS

Dabaasha Madaxweyne Silaanyo iyo Fursada Dhalinyaradu u heshay Galabta daawo (sawiro)

Batalaale:(Wajaalenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta wakhti qaali ah oon hore u soo marin dhalin-yarada Gobolka Saaxil ku nool gaar ahaan Ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera oo maanta nasiib u yeeshay in ay Masuulkii qarankan ugu sareeyey kula dabaashaan baddooda qiimaha badan,  oo daba socota dhiirigelinta iyo ka warhaynta Da’a yarta dalka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha inuu maanta dhiiri-geliyo Ardaydan Kulliyadda Badda, waxa uu yidhi waan ku faraxsanahay in aan galabta wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaa dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxanan ku dhiirigelinayaa inta kale een nasiibka u helin inay bada wax ka bartaan inay ku dhiiradaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.

Madaxweynuhu waxa uu wakhti dheer ku jiray badda isaga oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamada iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;wajalenews@gmail.comIMG_0057

Exit mobile version