WAJAALE NEWS

Bilayska Iyo Dawlada Hoose Oo La Sheegay Inay Bilaabeen Hawgalka Baadhitaano Maydad Kale In Laga Helo Guryo Ay Hore Uga Soo Guurtay Gabadha Dilka Haweenayda Loo Hayo

HARGEISA (Wajaalenews);Ciidanka Booliiska Somaliland iyo dawlada hoose ee

Hargeysa ayaa bilaabay baadi goobka laba Haween ah oo ka mid ahaa Dumarkii mashruucii jiif oo jaqda ahaa ee dadka lagu hantidooda lagu dhacay, kuwaas oo la sheegay inaan la haynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, isla markaana la waayay markii mashruucaasi fashilmay.

Hawl-galkan ciidanka Bilayska iyo dawlada hoose wada fulinayaan ayaa lagu baadhayaa guryo badan oo ay ka soo guurtay gabadha gurigeeda laga helay Meydka haweenay lagu eedaynayo inta ay dishay in ay god dheer oo guriga ku dhex yaala ku xabaashay, waxaanay arrintani keentay in kuwo hore oo la waayay wakhtigan xaadirka ah lagu dhiirado in baadhitaan lagu sameeyo.

Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdillaahi oo warbaahintu wax ka weydiisay baadhitaanka socda iyo halka uu marayo ayaa sheegay dawladda hoose ee Hargeysa iyo Booliisku in ay iska kaashanayaan hawl-galkan, isagoo sheegay in guryo badan oo ay gabadhani hada loo hayo dilkaasi ka soo guurtay baadhitaanka laga fulinayo.

Mawiid Waris waxa uu sheegay Booliisku in ay ka dalbadeen dawlada hoose in ay kala shaqeeyaan hawshan maadaama dawladda hoose leedahay dad farsamo-yaqaano ah, kuwaas oo ka qayb qaadan doona helitaan guryaha iyo qodistoodaba.

Xoghayaha dawladda hoose waxa kale oo uu sheegay in illaa hada aanay jirin caga cagafyo la galiyey guryaha ay haweenaydani gali jirtay, balse ay jiraan farsamooyin kale oo ay dawlad hoose ahaan ku baadhayaan guryahaasi.

Dhacdada gabadha la dilay ayaa noqotay sheekada ugu hadal haynta badan dalka, falkaas oo bulshada reer Somaliland ay argagax ka qaadeen, isla markaana dareen cadho leh ay ka muujiyeen dadweynuhu in talaabo sharci laga qaado ciddii fulisay dilkaasi naxdinta leh.

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

xigasho haatuf

Exit mobile version