Qoraal lagu daabacay mareeg interka ay wasaarddu ku leedahay, ayaa waxaa lagu sheegay in doontu ay ku qalibantay xeebta deegaanka Bi’ru Cali oo ku yaal gobolka dhaca koonfurta dalka Yemen ee Shabwa.
Ciidamada badda ee Yemen ayaa soo badbaadiyey ugu yaraan 30 qof oo dadkaas kamid ah, waxaana loosoo qaaday xero qaxooti oo ku taalla deegaanka Mayfacah. Mas’uul sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Yemen ayaa warka ku saabsan doonida degtey u xaqiijiyey Wakaaladda AFP, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo.
Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo kasoo cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadammadooda ka jirta, ayaa sannad walba soo gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usoo ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.
Hay’adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya ay dalka Yemen gaareen 84,000 (siddeetan iyo afar kun) oo tahriibayaal afrikaana ah, dadkaas oo badankoodu nolol dhaanta midda ay dalalkooda ku haystaan ka raadsanayey dalka Sucuudiga iyo wadamamda kale ee Khaliijka.
Xigasho: AFP
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews.com