XUKUUMADA SIILAANYO IYO REER GABILEY OO SII KALA FOGAANAYA MUDOOYINKAN
Editor:
GABILEY(WAJAALENEWS) Wararka aan ka helayno gobolka gabiley magaalo madaxdiisa gabiley ayaa sheegaya in mudooyinkan u danbeeyay,reer gabiley kasoo ifbaxayaan mucaaridnimo xoogan taasi oo moodo xiligan inay kor u kacday, bulshada reer gabiley oo ah bulsho balaadhan islamrkaana doorway ku lahaa in madaxwayne siilaanyo kursiga ku fadhiisto
Xukuumada siilaanyo oo hada cimrigeedu marayo 4sano oo waxyar la. Mudadaasi uu siilanyo xilka hayay ayaa reer gabiley wuxuu kula kacay hadimooyin badan isagoo sibadheedha xilalka uga qaaday haldoorkii gobolka, hoosna u dhigay darajada gobolka isagoo ay wasiiradiisu sheegeen in aanay gabiley gobol u aqoonsanay ka xukuumad ahaan.
Arimahaasi iyo qaar kale oo badan ayaa waxay u muuqdaan qaar kala kaxeeyay siilaanyo iyo bulshada reer gabiley,waxaana maalmihii udanbeeyay laga dareemayaa kacdoono siyaasadeed oo ka dhan ah xukunka siilaanyo in ay ka bilowdeen magaalada gabiley.
Bulshada reer gabiley ayaa ku caan ah cida ay kasoo horjestaan ay tahay mi cimrigeedu siisocdo wax yaalaha siilanyo iyo rer gabiley kala kaxeeyay ayaa loo aanaynayaa;
1;Tixgalinla,aanta waxgaradka gobolka
2,balan darada waxayaalihii ay isku ogaayeen xiligii kombaynka
4.bahdilka masuulinyiinta ka soojeeda gabiley
Marka laga bilaabo ilaa xukunkii siyaad bare meelihii u horeeyay ee laga raacay ayaa ahayd gabiley jabhadii u horaysay ee kasoo horjeedsata siyaad bare ay fadhiisino ka samaysatay agagaarka bobolka gabiley iyadoo markii danbana lagu guulaystay in xukunka gala tuuro,
Hadii aad eegto intii Somaliland jirtay bulshada reer gabiley waxay ku lahaayeen door muhiima dhismaheegiina waxay galiyeen maal iyo maskaxba, iyadoo ay sidaa tahay marka ay arkaan cid ka baydhay jidka wada jirka bulshada Somaliland marwalba way kasoo horjeestaan waxaana tusaale u ah xiligii daahir riyaale dalka xukumayay, mudo koradhna ka bixi waayay waxay kala horyimaadeed diidmo cad iyadoo keentay in daahir riyaale oo gobol siiyay ay hadana kadiideen cadaaladdaro inuu dalka ku xukumo
Iskusoo wadaduuboo waxaad moodaa in ay siilaanyo iyo reer gabiley kala socdeen ayna kala hor imandoonaan mucaarirad xoogan,taasi oo curyaamindoonta xukunka siilanyo iyadoo halbowle u ah dalka haday tahay dhaqaale iyo dhul ahaanba.