WAJAALE NEWS

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo Uga Mahad Celiyay Marwada Madaxwaynaha Djibouti Deeqdii Ay Soo Gaadhsiisay Kalabaydh.

“Waxaa kale oo taariikhda u gali doona marwo Khadra Maxamuud Xayd cusbitaalka oo ay baahi…” Xidlhibaan Ibraahim Axmed Haybe

Hargeisa (Wajaale News):- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah xidhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee lagasoo doortay gobolka Gabiley ayaa maanta isagoo ku sugan magaalada Hargaysa wuxuu dhambaal mahadnaq ah u diray marwada madaxwaynaha dalka Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd deeqdii raashinka iyo cusbitaalka ahayd ee shalay marwada madaxwaynaha Somaliland dhagax dhigtay.

Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay taakulaynta joogtada ah ee marwada madaxwaynaha Djibouti la garab taagan tahay gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Gabiley isagoo arimahaasi ka hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan uga mahad naqayaa marwada madaxwaynaha Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, deeqdii wanaagsanayd ee ay soo gaadhsiisay dadka baahan ee walaaleheed ee reer Kalabaydh. Waxaan uga mahad celinayaa raashinkii ay soo gaadhsiisay dadka deegaanka Kalabaydh oo ay ku dhalatay. Waxaa kale oo taariikhda u gali doona marwo Khadra Maxamuud Xayd cusbitaalka oo ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka kalabaydh tani oo aan ahayn deeqdii ugu horaysay ee gobolka kusoo deeqdo. Waxaan kaloo taariikhda gobolka baah dahab ah noogu qoran madaxwaynaha dalka Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo runtii kaalin laxaadka lahayd ee uu kasoo qaatay dhismaha Jaamacada Gabiley iyo Cusbitaalka Guud ee Gabiley. Waxaan halkan uga mahad celinayaa waftiga ay marwada madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris hogaaminaysay ee deeqda ay usoo wakiilatay marwada Djibouti ”

Xildhibaanada iyo shacabka Gabiley ayaa uga mahad celiya isla markaana taariikhda ku darsada dadka garabka ka siiya taakulaynta mashaariicda horumarinta ee gobolka Gabiley, maaha markii u horaysay ee xildhibaanku uga mahad celiyo dawlada Djibouti deeqaha muhiimka ah ee lagusoo caawiyo gobolkooda.

Wajaale News Office

Hargeisa Somaliland

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version