HARGEISA WAJAALENEWS; Cabdiqaadir jaamac xaamud oo kamida xildhibaanada laga soo doorto gobolka sanaag ayaa ku tilmaamay xeer hoosaadka dhawaan goluhu ansixiyay xeerkaasi oo uu ku sheegay mid ay dabada kariixayaan koox sharwadayaal ah oo golaha ka tirsan.
ISagoo tilmaamay in aanay sharciyan sax ay ahayn aritaasi dastuurkana baal marsan tahay
Hadaba mar uu caawa shabakada wajaale u waramay ayuu iftiimiyay in arinta kala soocaysa golaha wakiiladu baal marsan tahay sharciga, wuxuuna yidhi waxaa wax laga xumaado ah in arin baal marsan National entresska qaranka Somaliland uu ku kacay gudoomiyuhu isagoo xaqii dastuurka somaliland wada siinayay shir gudoonka uu ka dhagay mid kala saraysiinaya.
Sharciguna wuxuu an sax noqonayaa marka la dhagaysto labada dhinac ee is haya lakiin ma na saxayo dhinac kaliya oo ladhagaysto.
Arintanina waxay ahayd mid midab takoora oo shir gudoonkiina lagu ceebeeyay oo layidhi midna sare fadhiiso midna layidhi hoosta fadhiista. lakiin ‘in beelina hoosta fadhiisato baalina kor fadhiisato cagliga magalayso, ‘beelaha somalilandna way u siman yihiin qarankan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in gudidii arinta loo saaray soo naaqishida xeerhooska loodiray ay sifiican u soo diyaariyeen, arinta awood dhimista laba kuxigeena awooda lagaga dhimayana lagaga dhex daray(golaha dhexdiisa)
Wuxuuna iftiimiyayxidhibaan cabdiqadir in arintaasi baal marsan tahay dastuurka Somaliland xeerkastana waxaa laga dheega dastuurka,dastuurkina wuu baalmarsan yahay
Waxaan rajaynayaa in arintaa lagu dhamayn doono isku tanaasul iyo is ixtiraam taasi oo somaaliland ku caana maashaya cidkastana waxaa ka sareeya dastuurka ayuu yidhi xildhiban cabdiqadir jaamac xaamud.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL; wajalenews@gmail.com