WAJAALE NEWS

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Khudbad Duco Iyo Dardaaran Ah UjeeXaaji-Cabdi-Waraabe-Oo-Khudbad Duco Iyo DardaaranAh Ujeediyey Golaha Wakiilada.

HARGEISA(Wajaalenews)Xaaji cabdi kariin Xuseen (Cabdi waraabe) oo  Kamid ahaa hormuudka Ergadii soo afjartey khilaafkii maalmihii udanbeeyey sida aad ka ah u hadheeyey Golaha  Wakiilada iyo guud ahaanba Amniga Dalka, ayaa maanta ka hor intii aan Gudidaasi ku dhawaaqin go’aankii ay ku kala furteen Labadii Dhinac ee is hayey . Waxaana uu hadal kooban oo macna badan xambaarsan isaguna jira duco iyo dardaaran uu u jeediyey Mudanayaasha aqalka wakiilada, isaga oo kula dardaarmay in aanay ilaabin danta umada reersomaliland ay usoo doorteen. Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu si aada ugu lasii dardaarmay in aaan xanta Golahoodu aanay dibada uga soo bixin wixii arina ee ay isku afgaranwaayaana ay ku dhameeyaan xalin iyo is afgarad .

Xaaji cabdi waraabe oo arimahasi ka hadlaayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa”…waxaa o dhaahda laygu dhiibay waan idiinku da’a weynhaan u malaynayaa, sidii roon alleh ha ina waa fajiyo, quraanka alleh ha inoo aqbalo haleh ha ina waa fajiyo danteena ta’aduunka iyo ta aakhiraba,horta waa inaynu ogaana ku raasida ilaahbaa inoo gartay inteena fadhida iminka haday xukuumada tahay iyo haday baarlamankeena tahay, culaysbaa ina fuushan,culayskaa agoon,curyaan,dhagoole,oday,islaan,inan,inanyariyo  iskuul, horta waa inaad ficilkeena xag danbe aad marisaan oo aad dadkaa qalbiga ku haysaan,Boqorkuna waa ina eegayaa, ilaahay waxaan baryeynaa inuu itfaaq iyo heshiis ina siiyaa,garina laba nin kama wada qosliso,golahani inuu iskhilaafo bina aadambaynu noo waa wax ilaa aamanuu soo taxnaa,waxaa gobanima leh ninka tanaasula ee garta tii uu sitay maahee takale qaata kuna samra.ragiina halkan fadhiya ee dhalinyarada u badan ee mutacalimiinta ah waxaa la doonayaa inaad isjeclaataan waxaa ladonayaa mid horta inaynu ahaanaa ,baarlamanbaynu nahay inaynu is xan ilaalino ayeynu doonaynaa,oo xanteena wanaajisanaa haday guurti tahay iyo hadii wakiilo tahayba,waxaa ladoonayaa waa lays bartayee in laysu hiloobaa.arinkanina waa uu urursanyey kolka hore waa talo aad noo dhiibteen tan fadhida ee guurtidii horena barigii hore anagaa ka garnaqnay,maslaxbaanu ku garnaqnay,gar sadex markhaati leh, hadalkiiniina waan dhagaysanay oo xaalkana waa aragnay muslaxbaana larabaa, si wanaagsan oo sharaflehna aad u qaadataan waxaa aanu soo jeedinay oo anagana rag aqoon leh aad naga dhigtaan,idinkuna rag aqoonleh aad noqotaan oo si gobnima leh aad u qadataan ayaan adeerayaaloow idin ka doonaynaa…”.

Odaygan caanka ah ee xaaji cabdi waraabe ayaa ah oday inta badan ku caana ka shaqynta nabada waxaana uu hor uga soo qayb qaatey isaga oo hormuud ka ahaa gudidii dhexdhexaadinta khilaafkii soo kala dhex galay golaha wakiilada iyo xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin,iyaga oo markaasina ergadaa uu hogaaminaayey ay ku guulaysateyxalinta xilaafkii wakhtigaa soo kala dhex galay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version