Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Biyaha ee Somaliland Xuseen Axmed Cabdullah, ayaa ka qayb-galay Munaasibad balaadhan oo Xadhiga lagaga jaraayey Ceelal biyood, kuwaasoo laga hirgeliyey deegaanka Arabsiyo iyo meelo kale.
Ceelashan biyaha ee la furay ayaa ku kala yaalay Deegaamadda Caddo-Galiiley ee Degmada Boorama, Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebiley, deegaanka Balliga cas ee Gobolka Maroodijeex, magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyo degmada wadaamagoo’ ee Gobolka Saraar.
Wasiirka wasaaradda kheyraadka Biyaha ayaa si rasmi ah Ceelashaasi ugala wareegay Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Islamic Relief oo maal-gelisay shantaasi ceel biyood oo hirgelintooda uu fuliyey Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland Drilling oo ka ha wl-gala horumarinta kheyraadka Biyaha .
Mas’uuliyiinta kala ah gudoomiyaha gobolka Gebiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, Maayorka degmada
Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi faarax, isu-duwaha wasaaradda biyaha ee Gobolkaasi iyo Nimco Axmed cabdi oo ku hadlaysay Magaca Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa dhamaantood muujiyey dareenkooda ku aaddan in markii ugu horaysay taariikhda ay degmada arabsiyo hesho Biyo macaan oo nadiif ah waxana ay uga mahad-celiyeen wasaaradda Kheyraadka Biyaha dadaalkeeda dhinaca balaadhinta biyaha ee ay ka waddo guud ahaan dalka Somaliland.
Mr Caruus Aadan oo ka socday Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland drilling ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Maagaallooyinkaasi ay helaan Biyo Macaan oo joogto ah
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane