WAJAALE NEWS

Wasiir Cukuse Oo Si Kulul U Weeraray Xoghayaha Ururka SOLJA.

HARGEISA(Wajaalenews)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa hadal uu ka jeediyey Xaflad suxufiyiin lagu siinaayey Shahaadooyiin abaal-marino ah Weerar cad iyo hadalo ka baxasan Anshaxa Masuulnimo ku weeraray Xoghayaha ururka Suxufiyiinta  Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid.

Wasiirku  waxa uu Xoghaye Maxamed Rashiid ku tilmaamay balaayo lagu soo dhextuuray Saxaafada Somaliland,Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu Si Kulul u dadafeeyey Warbixin Ururka Solja u qaybiyey dadkii ka soo qayb-galay Xafladaasi.

Sidoo Kale Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa uu Xogyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ku tilmaamay Wariye Faaruq ah.isagoo ku eedeyey in uu Warbixino beena ah Gudbiyo

Wasiir Cukuse ayaa Khudbada jeedinaayey isagoo uu garab fadhiyo wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland waxaanu Wasiirku ku tiraabay in aanay aqbalaynin Warbixintani isagoo ku tilmaamay in ay gaar u tahay Xoghaye Maxamed Rashiid.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa Suxufigii ugu Akhlaaqda Xumaa ee Soo mara Saxaafada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version