|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Cukuse Oo Si Kulul U Weeraray Xoghayaha Ururka SOLJA.
February 17, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa hadal uu ka jeediyey Xaflad suxufiyiin lagu siinaayey Shahaadooyiin abaal-marino ah Weerar cad iyo hadalo ka baxasan Anshaxa Masuulnimo ku weeraray Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid. Wasiirku waxa uu Xoghaye Maxamed Rashiid ku tilmaamay balaayo lagu soo dhextuuray Saxaafada Somaliland,Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu Si Kulul u dadafeeyey Warbixin Ururka Solja u qaybiyey dadkii ka soo qayb-galay Xafladaasi.Sidoo Kale Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa uu Xogyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ku tilmaamay Wariye Faaruq ah.isagoo ku eedeyey in uu Warbixino beena ah GudbiyoWasiir Cukuse ayaa Khudbada jeedinaayey isagoo uu garab fadhiyo wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland waxaanu Wasiirku ku tiraabay in aanay aqbalaynin Warbixintani isagoo ku tilmaamay in ay gaar u tahay Xoghaye Maxamed Rashiid.Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa Suxufigii ugu Akhlaaqda Xumaa ee Soo mara Saxaafada Somaliland.WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:Halkan ka Daawo: Kulan Wacyi Gelineed Oo Dhanlinyarada Gobolka Sanaag Laga Wacyi Gelinayo Tahriibka ... Nicmo Samriye has been recognized and voted as the most admired, most respected, most popular, most ... DAAWO; Hogaanka Police Gobolka Sool Oo ka Hadlay Rabshado Ka Dhacay Fagaarihii ay Taageerayaasha X... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|