Tariikhda xukuumada siilanyo waxay maskax caafimaad qabta ku shaqaysay 2010 iy0 2011kii laga bilaabo 2012 waxaa taladii dalka maroorsaday cid aan ehel u ahayn, laguna sunti Karin (BBB) beesha bariga burco, hadaba maxaa la gudboon eedaysanayaasha guud oo ah bbb?
hadaynu wax kazoo qadano dhacdooyinka isdaba jooga ah ee waawayn
1 Doorashoyinkii golaha degaanka
2 Wada hadlkii soomaaliwayn
3 Dalkan dawladaha kale ka dhex jiraan ee raalida laga yahay, dalkan shir beeleedyada dawladu qarashka ka bixiso, dalkan dilka iyo dhiiga ciidankiisu fasaxa u haysto ee shacabka rru loo adeegsanayo, dalkan aan lahayn aragti dheer oo siyaasadded yaa ka taliya?
4 Musuqmaasuqa
5 Cashuurtan bilkasta kordhaysa ee 300% korodhay sadexdii sano
6 Jabka iyo muranka xisbiga kulmiye ee sanad jirsaday yaa ka danbeeya maxaa ku huursan yaa ka talinaya?
7 Misaniyadii sanaduuqda gaarka ah loo samaystay (sanduuqa kaydka qaranka, hayada abaabul ka saarka, w/ madaxtooyadda, w/ warfaafinta, TVga qaranka iyo hayadaha aan jirin) yaa loo sameeyey lacagtaa malayiinta doolar ah waynu ognahay oo Siilanyo maaha nin lacageed ee dalkan ayaa ku xoogsanaya ayaan u dhalan ee ingu dhex jira ma xamarbaa ma xagjirbaa ma xaaramiyiinbaa hashu hashu maan kaygii gadee ma maansaar bay liqday
8 Sharci darada baahsan ee dalka ka jirta, cabudhinta xisbiyadda, cabudhinta iyo xadhiga saxaafada ayaa dani ugu jirtaa?
9 Faro gelita iyo isku dirka hayadaha dawladda, yaa dani ugu jirtaa ma xamarbaa ma xeeladbaa maku xumaynbaa ma xabaalaha malko durduro geebaa umadda wax haloo sheego?
10 Yaa ka danbeeya in hayad kasta oo dhaqaale leh loo raro madaxtooyadda ma ku urursaa ma ka urursaa ma wax la arki doonoo la asturayaa ma ku xumayn (BBB) ma cidaan baqaynbaa?
11 Hayadaha wakhtigoodii dhamaaday sida ( diiwaan gelinta ururadda) yaa dani ugu jirtaa in ay qaranka dulsaar ku ahaadaan iyaga oo shaqadoodii iyo wakhtigoodiiba dhamadeen ma waxaa saxa 10 sano hala biiliyo mawaxaa saxa markii golaha wakiiladu diideen madaxweynu inuu qoro waraaq sharci daro ah jeebka qaranka halaga biiliyo markii laga reebay misaniyadii 2014 waamaxay danta ku jirtaa ee gaarka ahi?
Waxaa mahad naq balaadhan iyo bogaadin mudan culimadda iyo gudidda burco ee umadda reer Burco ugu baaqay inay is dejiyaan ugana tacsiyeeye dhibtii ka soo gaadhay RRU iyo Xukuumadku sheegta Siilanyo iyo xusbiya qaran ee mucaaridka ah oo ku canaantay cida qaska wada oo ah xukuumadda Siilanyo
Waxaa canbarayn iyo ceeba mudan calooshd u shaqaystayaasha, Odayaal kusheega sacabka Xirsi ah ee iyada oo burco dil iyo dhaawac yaaliin ka hadlayey horumarka kuna tageerayey dilka iyo dhawaca ciimada Siilaanyo gaysteen ee garan wayey tacsi dira ama iska aamusa oo ceebta beesha ku taal hasii dhaqdhaqaajinina waxaanu leenahay waar reerku qimihiisu maaha sh/SL 2000000 labada milyan ee Xirsi idiin qoray caado qatayaalyahaw, beesha bariga burco waa isaaq badhkii mana aha beel cid aan talin oo hawl gabah magaceeda lagu dilo ee waxaanu cod dheer ku leenahay dalkan cidii ladoortay kama taliso ee dalkan hala badbaadiyo beesha bariga burcona uma dhama xumaanta socota ee lagu shabadaynayo
Ganacsatada waaweyn ee baloodhada xaaranta ah sumcadooda iyo dalkaba ku burburinaya waxaanu leenahay Illahay aamina waa kii abaayashiin siiyey xoolaha aad haysataan oo ka daya xaraanta ubadkiin kana fekera in ay imandoonto maalin layska xisaabiyo hantida umadda aad boobaysaan ee xaalka la idiin siinayo sidii SSDF tii, waad aragtaan oo ssdf ma haysato hargeysa, burco iyo berbera miskiinbaa misko la fuulo leh idiin shaqaynmayso ee toobad keena
1 boostii hargeysa ee saldhiga dhexe u dhowayd
2 xanaanadii dumarka iyo caruurta ee suuqa hargeysa
3 qaybihii ka hadhsanaa tiyaatarka hargeysa
4 xeradii ciidanka circa ee madaarka hargaysa
5 net fishkii berbera
6 dhamaan guryihii iyo dhulkii banaanaa ee shacabka hargeysa, burco iyo berbera
marka hore arinkanu waa xaalad abuur ah in dadku isku dilaan dhulkii danta guud ee xukuumadu masuulka ahayd iyada oo uga jeeda laba shay in la boobo hantidii umadda iyo in qofba qof la sudho si musuqmaasuqa iyo ceebaha talo xumo loogu qariyo
dardaaran iyo gebo gebo
waxaanu bulshadda Somaliland ee beelaha ka kooban cod dheer ugu shegaynaa .
1 in aanu arinku ahayn arin beelaysan ee aytahay ku xumayn aan lagaran meesha ay ka socoto
2 in mudada ay sii socon kartaa tahay mid kooban ee samirka la ogaado
3 in libaxyadii beeshu noqdeen canaan ka yaab iyo ceeb u hiilin
4 in aananay beesha guud qabin sed bursiinyo u gaara ah, hal laba midigoodle dhengedeyey dhinaca u bedqabo, weeye xalkeedu
5 in aan beeshu ku ceebsanayn cidkasta oo cabanaysa, falaadhi gilgilasho gagama godo weeye xaalkeedu
6 kusiga ma geydaan iyo midhihii garadag ayaynu wada guranaynaa
7 in doorasha duqayda deris laga barto oo loo hogansamo dada hawl gabka ( retirement age) waana doorateene hana diidina
fariinta bbb
1 wax garadka iyo gacansatada waxaydaan ogolateen hayeelina danta siyasadeed iyo mustaqbalka jiilasha danbe ilaaliya naf magac wayday manfacna hawaydo, hana noqonina qaybiyihii qaatay ee aan waxba qadan
2 waxaad qarisaa way ku qarsadaan ee waa in laga helaa bbb cid ka badheedha culayska iyo ceebta bbb ugaarka ah ee cidda kale wado
3 waxaa canaan leh in ku dhac laga dhex wayo bbb bal hatan jabnaye warbaahinta aan ka canbarayno sumcad xumada bbb ku dhacday
4 dalka, dadka iyo beeshaba aan badbaadino, inagu duntee aan diidno
saldiinta, boqorada, cuqaasha, wax garadka, aqoonyahanka, qurba jooga, dhalinyaradda iyo haweenka bbb waxaanu ugu baqaynaa in laba xaladood laka doorto.
In Somaliland waynu udhalanay u soo dhimanay oo usoo samiray ee aynu toosino oo ka badheedhno qaloocana ka qabano cidkasta oo wada
In ay inagu dunto denbiga aynu qaadano
Waa bilaahi tawfiiq
By: Saalax Cilmi