WAJAALE NEWS

Muran iyo gacan ka hadal saaka Golaha wakiiladda hortiisa ku kala gaadhay saraakiil Booliiska ka tirsan iyo Asluubta

HARGEISA(Wajaalenews);Amaanka Golaha Wakiiladda oo si xoogan loo adkeeyey saaka intaan go’aanka Guurtiddu soo saartay lagu dhawaaqin ayaa waxa dhacay dhawr fool xumo oo ka dhashay qaabka loo maamulayey dhinaca Amaanka oo ay Booliisku gacanta ku hayeen.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Baaruud iyo Gaashaanle Dhexe Cabdi Xasan ayaa dagaal gacan ka hadal gaadhay Dgex maray kadib markii Maxamed Baaruud amar ku bixiyey inaanu soo galin Cabdi Xasan oo ka tirsan Ciidanka Asluubtu.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Xasan oo ka cadhooday Amarka Gaashaanle Dhexe-ha Booliiska ah ee ay isku darajada yihiin ayaa diiday waxaanay labadooduba muujiyeen mid na inaanu ka kale Amarkiisa qaadan taasoo ay siku fara baxsadeen balse Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Sareeyo Guuto C/raxmaan Fooxle iyo saraakiishii kale ee Booliiska ayaa kala dhex galay, waxaanay markii danbe xarunta Golaha Banaanka uga soo saareen Gaashaanle Dhexe Cabdi Xasan oo ka tirsanaa Booliiska iyagoo maslaxaya.

Dagaalka labada Sarkaal ee siman dhex maray ayaa banaanka soo dhigay sida ay Booliiska iyo Asluubtu u kala sareeyaan ama maadaama ay shaqadii Amniga hayaan sababta keentay in sarkaal ka hor istaago sarkaal kale hawsha qaranka, iyadoo la ogyahay in Ciidanka Asluubtu kaalin weyn ku leeyahay hawlaha Amaanka oo aanay ku koobnayn Xabsiyada.

Sidoo kale, waxa dagaal af-ka ah uu dhex maray Xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Fooxle, kuwaas oo iyana ku murmay albaabka danbe ee Shirguddoonku ka soo galo oo loo diiday Xildhibaanada ataasoo sababtay Xildhibaan C/kariin in uu Taliye Fooxle ku canaanto is hor taaga lagu sameeyey.

Intaas oo kali ah kumay koobnayn dhaqdhaqaaqa iyo maamul xumada ay keentay sugida Amaanka Golaha Wakiiladduye, waxa uu gaashaanle Dhexe Maxamed Baaruud oo u muuqday Sarkaalka qaabilsanaa Amaanka Goluhu ka hor istaagay maayar ku-xigeenka Caasimada oo diiday markii danbe amarkiisa iyo Askar kale oo isugu jirtay saraakiil iyo Ciidanba.

Amarka Booliisku saaka qabeen ayaa dhamaan lagaga mamnuucay in Golaha ay soo galaan dadweynuhu marka laga reebo Warbaahinata oo iyada Mubaax looga dhigay Golaha Baarlamaanka maadaama ay wararka ka tabinayaan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version