WAJAALE NEWS

Maayerka Degmeda Gabiley Oo Agab caafimaad Oo Qaali Ah Ku Wareejiyey Madaxa Caafimaadka Ee Gobolka

Gabiley(Wajaalenews)Munaasibadaasi Deeqda Lagula Kala Wareegayay Oo Ka Qabsoontay Xarunta Tababarka Caafimaadka Ee Sadexda Gobol Ee Gabiley Hargeysa Iyo Hawd Horena U Ahayd Cusbitalka Guud Ee Gabiley Ayaa…..

Gabiley (Wajaalenews)- Maayerka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Maanta Madaxda caafimaaadka Ee Gobolka Gabiley Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyey Agab caafimaad Oo Qaal Ah.

Munaasibadaasi Deeqda Lagula Kala Wareegayay Oo Ka Qabsoontay Xarunta Tababarka Caafimaadka Ee Sadexda Gobol Ee Gabiley Hargeysa Iyo Hawd Horena U Ahayd Cusbitalka Guud Ee Gabiley Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Maayerka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame, Xubno Kamida Masuuliyiinta Ururka Samokaal, Iyo Qaar Kamida Dhakhaatiirta Cusbitalka Gabiley,

Deeqdaasi Lala Kala Wareegayay Oo Ka Koobnayd Computero Caalamiya Oo Ay Ku Jiraan Sida Computer-ka Wadnaha Sawira, Ayaa Waxa Si Rasmiya Ula Wareegay Iskuduwaha Wasaaradaa Caafimaadka Ee Gobolka Gabiley, Ciise Sheekh Muxumed Warsame.

Ugu Horayna Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maayirka Degmeda Gabiley Isaga Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Qaybaha Kala Duwan Ee Ay Ka Koobanyihiin Qalabkaasi Sidoo Kalena Bulshada Reer Gabiley Usoo Jeediyey Inay Ilaashadaan Qalabkaasi Ugana faa’idaystaan Sida Loogu Tallo Galay, Waxaanu Sheegay Maayirku In Agabkan Ay Wakhti Hore Soo Direen Qurbajoogta Gobolka Gabiley.

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Madashaasi Ka Hadlay Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame Isagoo Mahadnaq Balaadhan Usoo Jeediyey Cidii Agabkan Soo Dirtay, Sidoo Kalena Maayerka degmeda Gabiley Ku Amaanay Doorka Muuqda Ee Uu Kaga Jiro Wax Ka Qabashada Hawlaha Caafimaadka Ee Gobolka Gabiley, Waxaanu Isku Duwuhu Carabka Ku Dhuftay In Maayerka Degmeda Gabiley Uu Yahay maayirkii Ugu Horeeyay Ee Meel Adag Iska Taagay In Gaadiidka Ka Shaqaynaya Talaalku Aanay Noqonin Kuwo Laga Leeyahay Gobolada Kale Balse Kaliya Ay Ka Shaqayn Karaan Kuwo Laga Leeyahay Gudaha Degmeda Gabiley, Waxaanu Sheegay Isku Duwuhu Inuu Ku Amaanayo Arintaasi maayerka.


WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version