WAJAALE NEWS

Maayarka Hargeysa oo xilkii ka qaaday Agaasimihii Qorshaynta Dawladda Hoose ee Hasrgeysa

HARGEISA(WAJAALENEWS);Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud caydiid (Soltelco) ayaa manta xilkii ka qaaday Agaasimihii Qorshaynta Dawladda Hoose ee Hargeysa C/laahi Aw Cali Axmed UBAX, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay.

Lama oga sababta rasmiga ah ere Maayarku C/laahi Ubax uga qaaday xilka hase yeeshee sida  warka ku heshay waxa in muddo ah soo jiitamaysay cabashooyin is-biirsaday oo uu ku kacay C/laahi UBAX kuwaasoo uu xamili kari waayey maayar Soltelco.

C/laahi Ubax ayaa bilowgii uu dalka ku soo noqday oo la kawsatay markii Maayar Soltelco safar gaaban ku tagay Dalka Sweden oo uu lugta ku soo daray ayaa bilaabay in uu Dhulka dib u dhalan rogo isagoo beeraha iyo Baloodhada Galbeedka Hargeysa damcay in uu dib u qorsheeyo, taasoo dhalisay buuq.

Illaa maalintaas oo la baajiyey qorshihii uu la maaganaa waxa soo kordhayey Eedaha loo soo jeedinayo C/laahi Ubax, waxaana isa soo tarayey khilaafka  maamul ee u dhaxeeya isaga iyo masuuliyiinta Dawladda taasoo sababtay maalmo dhaweyd in Maayarku soo celiyo Agaasimihii hore ee waaxda Qorshaynta Ina Bulayle.

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa lagu dhaliilaa in maamulka sare ee Xildhibaanadu ka jilicsan yihiin balse waxa ay ku dhaqdhaqaaqdaa shaqaalaha ka hawl gala oo ka khibrad badan inta badan Xubnaha Golaha Deegaanka oo aan wali isla Jaan-qaadin.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version