Hargeysa(WAJAALENEWS):-masuuliyiin ka tirsan xisbiga cadaalada iyo daryeelka somaliland ayaa maanta jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo uu ku dhaliilay gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa(WJN):-masuuliyiin ka tirsan xisbiga cadaalada iyo daryeelka somaliland ayaa maanta jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo uu ku dhaliilay gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe.
Xubnahan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiska xisbiga Ucid ee magaalada Hargeysa ayaa waxay dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland.
Ugu horayn waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xoghaya arimaha bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali kaas oo ka hadlay guddida wada hadalka u matalaysa Somaliland oo ay xukuumadu kaligeed isku koobtay waxaanu yidhi ?Anaga oo ku hadlayna afka xisbiga cadaalada iyo daryeelka Somaliland waxaanu bulshada wadanka u bayaaminayaa laba arimood oo kala ah wada hadalka wadanka Somaliya oo ay xukuumada Somaliland kaligeed isku koobtay iyo khaladaadka uu wasiirka arimaha gudaha somaliland galay shalay oo u danbaysay markii uu shirka jaraa,id qabtay,?
Xoghaya arimaha bulshada xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee Ucid waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland ogolayd in lagala qayb galo wada hadalka dalka somaliya balse waxa uu sheegay inay xukuumada hada qabsadeen dadka kale oo aan la garanayn waxaanu yidhi ?waxaan leeyahay xukuumada Somaliland intii aanay ku soo bixin kooxo danbe oo imika qabsaday way jeclayd in la raaco oo lala taliyo, xisbiyada mucaaridkana way kaxaysan jireen ajandayaashii u horeeyey ee ay kaga qayb galeen bilawgii wada hadalkana waxa sameeyey Faysal Cali Waraabe waxaana haatan loo reebay inay jiraan waxyaalo la qarsanayo oo aanu xaga danbe ka oo sheegi doono.?
Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga Ucid waxa uu jawaab kulul ka bixiyey hadalka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha oo ku wajahnaa gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu yidhi ?marka uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland leeyahay waa xisbi qaran iyo waa gole qaran miyaanu ogayn inay qaranimada soo galayaan xisbiyada qaranku,qofkuna marka uu masuulka yahay waxa wanaagsan inuu barto waajibaadkiisa, Faysal Cali Waraabe-na waxa uu la hadlayey wasiirka arimaha debada oo sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi ka qayb galayn guddida wada hadalka, wasiirka arimaha guduhuna waxa uu garan waayey cida lala hadlayey.?
Xogyaha arimaha bulshada ee xisbigaas oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?Haddii uu shaqadiisa garan waayey wasiirka arimaha guduhu anaga ayaa u tilmaamayna waxaanan leenahay wasiir safaarada tobanka talaabo kuu jirta ayey shaqadaadii taala oo muwaadiniintii sidatay baasaaboorka Somaliland inta ganafka lagu dhufto reer Garoowe iyo reer Xamar laga siinayaa fiisayaashii,shaqadaaduna waxa weyaan inaad wax ka qabato ciidamada RRU-da ee kala dilaysa shacabka Somaliland iyo ciidankii nabad galyada sumcadii wadankana wax yeelaysa, laakiin waxa muuqata inaad ugu tala gasheen.?
Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Xuseen Xasan Badmaax oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Ucid kaas oo xukuumada ku dhaliilay inay kaligeed isku koobtay waftiga wada hadalka la galaya wadanka Somaliya.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE