WAJAALE NEWS

Ma Xildhibaanaa Mise Waa Xil-Dhibayaal Xubnaha Sifooyinkan Lihi?faallo Maxamed Sagax

HARGEISA WAJAALENEWS Wariyaha Maxamed Sagax, oo kamid ah Wariyayaasha sida Weyn xogogaalka u ah Golaha Wakiilada Somaliland, Islamarkaana, aad u kala yaqaana Xildhibaanada iyo sida ay ugu kala Qiyam adag yihiin Mowqifkooda,

Hargeysa(WJN)Wariyaha  Maxamed Sagax, oo kamid ah Wariyayaasha sida Weyn xogogaalka u ah Golaha Wakiilada Somaliland, Islamarkaana, aad u kala yaqaana Xildhibaanada iyo sida ay ugu kala Qiyam adag yihiin Mowqifkooda, inta Hunguriga u dhex joogta Golaha ee maalinba dhinac ka Qowlaysta iyo inta Mowqifkoodu iyo doodoodu aanay laheyn Isbadelka iyo wax dhaafsiga ayaa faalo ku cabirey Guud ahaan xaalada Xiligan ka taagan Golaha Wakiilada iyo nidaamka Xubnaha Golaha Wakiiladu ay mudadii ay joogeen Golaha ugu kala Karaamo mudan yihiin arimaha danta Dadweynaha iyo danahooda gaarka ah.

 
Qoraal Dheer oo Wariye Sagax usoo Gudbiyay WAJAALENEWS oo uu diirada ku saarayo arimahaasi halkan ka akhri.
 
Waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda xil nin garanaya ayuu gubaa, taas oo macnaheedu qofka garanaya masuuliyada saaran iyo waajibaadka looga baahan yahay ayaa ku werwera xilka saaran gudashadiisa, balse qofka aan u ehel ahayn xilka dusha u saaran ee aan aqoonteed iyo kartideed lahayni waa qof aan xil saarnayn.
 
Magaca xildhibaan waa qofka masuuliyada saaran ku dhaqma ee xil kaska ah, masuuliyada uu doono ha hayee. Waxaad arkaysaa nin xildhibaan sheeganaya xilkii sharci dajineed ee ka saarnaa inuu xeerarka uu dajinayo afkaartiisa ka dhiibto ka dibna cod bixintiisa ansixinta shuruucda ku saleeyo qawlkiisii dooda, waxaase nasiib daro ah nin aan xeer aanu akhriyin qodobadiisa afkaartiisana aan ka dhiiban oo hadana gacantiisa u taagaya maalinta la ansixiyo sharciga si xog mooga uu ka yahay.
Waxa ka dhacda golaha Wakiilada xildhibaano aan kaba soo xaadirin fadhiyada golahooda oo aan ogaynba xeerarka iyo shuruucda golahoodu ansixinayo maalinta mushaharka la qaadanayo uun golaha ka soo xaadira.
 
Waxa kale oo jira xildhibaano shuruucda la dajinayo ka eega danahooda shakhsiga ah, balse aan ka eegin danta guud ee dadka iyo qaranka ugu jirta, taas oo ay waajib tahay in masuulka xil Baarlamaan loo doortay inuu iswaafajiyo ficiladiisa iyo mansabka uu hayo.
Waxa kale oo layaab ah oo jira xildhibaano ummadii soo dooratay iyo deegaanadii laga soo doortayba ay ugu dambaysay xilligii uu ku jiray ololihii doorashada wakiilada ee dalka ka dhacday 2005-tii oo aan diba ugu noqonin bulshadii soo dooratay ee codka siisay, iyadoo ay waajib tahayna in masuulka xildhibaan huwani uu ku xidhnaado bulshadii soo dooratay oo uu kaga turjumo baahiyaha deegaankiisa. 
 
Waxa kale oo jira xildhibaano mashruucsada mooshinada oo danahooda gaar ahaaneed ka eega iyo dhaqaale raaca, isla markaana xeerkii ay gacantooda u taageen maalinta dambe-na xaaraantimeeya, isla markaana wajiyada badan isticmaala.
Hadaba waa su’aale qofka sidaas u dhaqmayaa ma xil-ma-dhibaa mise waa xildhibaan?.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com
 

Exit mobile version