WAJAALE NEWS

Khilaafkii KULMIYE oo Dib u Curtay, Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Faynal Isugu soo Baxay

HARGEISA(WAJAALENEWS)Guddida Turxaan bixinta khilaafka Xisbiga KULMIYE  ayaa la sheegay in markii ugu horeysay Xalay si fool ka fool ah la isu soo hor fadhiisiyey Muuse Biixi oo hadda ku keliyeystay garabkiisa iyo garabka kale ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) dhinac ah Xisbiga KULMIYE  u kala fadhiyeen ee sababtay dibu-dhaca shirweynaha Xisbiga iyo khilaafaadka kale ee Dalka ka jira sida tii Golaha waakiiladda ee la soo af-jaray.

Kulankan xalay oo noqonayaa kii afraad ee Guddidu qabato ayaa ka duwanaa kuwii hore ee gooni goonida loola kulmayey labada garab,  waxaanu noqday mid lagu soo  bandhigay Xogihii iyo macluumaadkii ay guddidu ka soo diyaarisay kulamada hore, kuwaas oo kooxiba kooxda kale Eeda Khilaafka dusha ka saaraysay, sidoo kale waxa laga wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Xisbiga iyo sababtay dibu-dhaca shirweynaha Xisbiga. Arintan ayaa muujinaysa in Khilaafkii KULMIYE Dib u Curtay iyo in sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi ay Faynal isugu soo baxeen

Khilaafka Xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda inuu hadda kusoo ururay Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi, kadib markii Madaxtooyadu si cad uga reebtay Wasiir Samaale tartankii Madaxtinimada ee Xisbiga gudihiisa, sidoo kalena uu soo go’ay damacii lagu soo xero geliyey Wasiirka Arimaha Debada Md. Maxamed Biixi Yoonis ee ku saabsanaa inuu Xisbiga KULMIYE ku meteli doono musharaxa Madaxtinimada ee Shanta Sanno ee soo socda. Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga turxaan-bixinta Xisbiga KULMIYE ayaa isagu ka maqnaa kulankaas.

Lama oga in kulankani uu noqday kii lagu gabagabayn lahaa khilaafka iyo in go’aanku danbayn doono, hase-yeeshee, waxa uu u muuqdaa maadaama wakhtigu is gurayo wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo u qoondeeyey shirweynuhu oo ku beegan 22 March-na soo dhaw yahay in uu noqono doono laba mid uun, mid gunaanadi doona khilaafka Xisbiga ama mid cirka ku sii laali doona.

Kulanka ayaa ka dhici doona Qasriga Madaxtooyadda sida kuwii hore oo kale maadaama xarunta guddida laga dhigay Madaxtooyadda, waxaana goob joog ka noqon doona Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah Odayga Xisbiga KULMIYE.

WAJAALENEWS DESK
Exit mobile version