WAJAALE NEWS

Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Djabouti Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Wasiirka Caafimaadka Somaliland

HARGEISA WAJAALENEWS Munaasabadda Shahaado Sharafta Lagu Gudoonsiinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Oo Goor Dambe Oo Galabta Ah Ka Dhacday Xarunta Wasaaradaasi.

Hargaysa(WJN):- Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Jabbuuti Ayaa Maanta Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) Taasoo Uu Ku Mutaystay Saacadaha Dheeraadka Ah Ee Wasiirku Maalin Walba U Shaqeeyo Umaddiisa.

Munaasabadda Shahaado Sharafta Lagu Gudoonsiinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Oo Goor Dambe Oo Galabta Ah Ka Dhacday Xarunta Wasaaradaasi Oo Loogu Yimid Wasiirka Oo Weli Shaqaynaya Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dr Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimayaasha Waaxyaha Kala Duwan Iyo Xubno Ka Wakiil Ah Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Jabuuti.

Agaasimaha Guud Waxa Uu Ku Bogaadiyey

Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Jabuuti Dhiirrigelinta Ay U Muujiyeen Madaxda Somaliland Ee Umadeeda Sida Wanaagsan Ugu Shaqaysa, Kuwaasoo Uu Tusaale Uga Dhigay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed.Md Cabdinaasir Axmed Oo Ku Hadlay Magaca Jaaliyadda Ayaa Sheegay In Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Jabuuti Ay U Garteen Wasiirka Caafimaadka Shahaado Sharaf Shaqo Wanaag Ah Oo Uu Muttaystay, Isagoo Tilmaamay Inay Ka War Hayaan In Wasiirku Maalin Walba Shaqeeyo Saacado Dheeraad Ah, Inta Badana Uu Xafiiska Ka Rawaxo Shanta Galabnimo, Hawlkarnimadiisuna Ay Mudan Tahay In La Dhiirrigeliyo.

Dhankiisana Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) Oo Munaasabadaas Ka Hadlay Waxa Uu Ku Ammaanay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Jabuuti Sida Ay Uga War Hayaan Shaqada Iyo Hawl Maalmeedka Ka Socda Dalkooda Waxana Uu Muujiyey Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay Shahaado Sharafta Lagu Maamuusay Isagoo Ballanqaaday Inuu Sii Kordhinayo Dadaalkiisa Iyo Fulinta Shaqada Uu Qaranka Ugu Xilsaaran Yahay.

Sida La Ogyahay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku Waxa Uu Dhowaan Socdaalo Shaqo Ku Soo Maray Guud Ahaan Gobolada Dalka Isagoo Xog Ogaal U Soo Noqday Xaaladda Caafimaad Ee Dalku Halka Ay Marayso, Isla Markaana Taageerooyin Caafimaad Oo Kala Duwan Gaadhsiiyey Degmooyinka Dalka Ee Uu Booqday

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version