Muqdisho (W,N) – Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashkato ah u dirtay Ururka Jaamacada Carabta.
Dowlada federaalka ayaa ayaa ku tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.
Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gadhro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.
Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.
“Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka.