WAJAALE NEWS

Gudidii dhexdhexaadinta ee golaha Guurtida oo Labbadii Garab ee Golaha wakiilada la kulmay,

HARGEISA (WAJAALENEWS) Labbada Garab wax ay ka saxeexen in Go’aanka ay soo saaran kuwada qancidoona.”

Hargeysa(Wajaalenews) Guddidii dhex dhexaadinta ka dhex waday Labbada garab ee uu u kala jabay golaha wakiiladu ayaa maanta kulankoodii ugu horeyey la yeeshay labbada dhinac oo shalay sheegay in wadahadaladii u dhexeyey dhexdooda uu burburay taladiina dib ugu celinayaan golaha guurtida.

Kulan ayaa saaka wax warbixino laga dhexeystay labbadii garab iyo qodobada ay isku mariwaayen labbada dhincaba wax ay Gudidii golaha guuritda uy sheegen Badheedhahooda iyaga qoloba qolad akale ku eedeysay in ay heshiiskii diideen.

Kulan oo ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen muddo dheerna ay ku jireen ayaa markii uu shirkii dhammaaday wax warbaahinta la hadlay Cabdiraxman Cisman Caalin (Cabdiraxman Dheere) oo matalayey garabka labbada Guddoomiye ku-xigeen iyo Ibraahin Mahdi Buuba oo isaguna mataleyey Garabka GUddomiyah Golaha, wax kale isna warbaahinta la hadlay Xaaji Cabdiwaarabe oo isaguna golaha gudida golaha guurtida matalayey, waxayna labbada dhic sheegen in Guddidii golaha guurtida u gudbiyeen qodob ku salaysan khilaafkooda iyaga oo sheegay in wixii ka soo bax ay aqbalidoonan.

Waxanay wararku intaasi ku daryaan in Maalinta Sabtida ah loo balamay natiijada ay soo saaran Guddida Golaha Guurtidu iyada Labbada Garab koox walba dhawr xubnood laga saxeexay in ay aqbalayaan go’aanka ay soo saaran guddida golaha guuridu, iyada oo labbada garab saxeexen arrintaasi.

Xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo warbaahinta la hadlay markii kulanku dhammaaday wax uu yidhi. “Wax ugu muhiimsan oo Gobo’dii ah,  labbadii Mooshin ee yaalay Golaha in dariiqa sharciga ah la mariyo oo cod loo qaaddo, oo haaddii fikrada ka soo horjeeda tahay Codka 55 halageeyo, in labbada fikradoodba cod loo qaaddo, natiijaduna noqoto cida codka ku guulleysta”.

Wax kale oo intaasi uu raaciyey. “Gud ahaan Hawshiina waxaanu ku celinay golaha Guurtida, markii aanu isku fahmiweyney Labbadayadii garab waad aragtano waana kulankii ugu horeyey la wadayeelanay Golaha guurtida Gudidii ka socotay, runtii waxaanu isku racnay maanta in golaha guurtida arintii loodabadhisto natiijada ay ka soo saarana waynu sugayna.”Ayuu yidhi.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuba oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Saaka waxaanu la kulanay, golaha guurtida guddidii ay soo saareen ee ku hawlana dhexdhexaadinta golaha golaha wakiilada, labbadayadii dhinacba waanu la kulanay, anaga garabkaygii golaha guurtida warbixintii aanu haynay waanu u jeedinay, waxaanu u sheegnay marxaladihii hawshu soo martay, wax kale oo aanu uga waranay waxyaabihii aanu isla dhaafikariweynay iyo waliba waxyaabihii carqalada ku noqday wadahada ladayadii  gudidii golaha wakiilada laga saaray, waxaanu u sheegnay in garabkayagii uu tanaasulad baddan sameyey,  runtii tanaasuladka aanu sameynay waxanu uga jeednay in labbada garab ee golaha wakiiladu ee wadahadalku dhex marayo ay noqdaan kuwa arrinta xaliya oo aanay arrintu meel kale u gudbin, waxanu u sheegnay in garabkii kale naga diideen in hal qodob oo taasulad ah nala qaatan, wax ay sheegen oo ay ku adkeysteen guddoomiyaha oo aanu ridno oo 42 cod keeno mooyane wax kale oo namaraya ma jirto”.

Intaasi wax uu ku daray. “ sidaasan golaha guurtida arrintii ayaanu dib ugu soo celinay, warbixintayadii oo af iyo qoraal ah waanu jeedinay, arrintii golaha guurtida gacanta ku haysa wixii ay soo sarana waynu ka warsugeyna, garabkayguna waanu ku qancidoona wax walba oo ay soo saaran ee golaha guurtidu gaadho, waliba waxaanu u saxeexnay warqaddo cadeynaya in aanu ku qanacsanahay wax walba oo ay soo saaran”Ayuu yidhi Buuba.

Xaaji Cabdiwaraabe oo warbaahintu wax ka waydiisay arrinta lagu soo warejiyey ayaa waxa  uu yidhi. “Hawshii Labbadii dhinac wayno dhiibeen, oo anagay nagu soo wareejiyeen, anaguna ka guurti ahaan Barri ayaanu hawsha galeynaa”Ayuu yidhi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version