WAJAALE NEWS

Goormaa Inqliaabku Ka Dhacey S/Land?

Hargeisa Wajaalenews Dib u milicso xaqiiqooyinkii ina soo marey ee sida cad u iftiiminaya in siilaanyo aanu dalka xukumin kuwii ugu dambeeyey kaliya:

Ummaddu waxey codkooda siiyeen madex-weyne Siilaanyo in uu hogaamiyo muddo shan sano ah oo ka bilaabaneysey Bishii June 2010.

Muddadaa siilaanyo madaxa ahaa  waxa ku gadaamnaa shaki isa soo tarayey oo sheegayey in dalka aanu maddax weynihii loo igmadey  ka talin, balse talo kale oo an dalka iyo dadkaba nasteex u aheyni ka taliso. Haseyeeshee,waxba lagama soo qaadin; sababtana waxan isleeyahey, Madexweyne Siilaanyo oo waayo aragnimo syaasadeed qoto dheer loo tiriyo, ayaa talada dalka mudada dheer mucaaradka u soo ahaa, si fudud ugu ogolaan in cid kale ugu takri fasho; waa arrinka qof kasta oo caqli qaba ka degi la’ ilaa maanta!

Wax badan ayaa gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe si toos ah iyo si dadban u iftiimiyey halka ay wax ka qaldan yihiin iyo in talada dalku odeyga gacanta ugu jirin; haseyeeshee,weerar celiska madaxtooyada kaga imanayey iyo dacaayad sumcad dilid ah oo ay afuufaan macaan jecesha sida sharciga baal marsan loogu biiliyo hantida ummadda si ay u beeniyaan runta u sheego Faysal.

Dib u milicso xaqiiqooyinkii ina soo marey ee sida cad u iftiiminaya in siilaanyo aanu dalka xukumin kuwii ugu dambeeyey kaliya:

1.Qudbadii wax qabadka dawlada guud ahaan, ee aheyd in madaxweynuhu akhriyo, waxa baarlamaanka ka hor akhriyey iyada oo waliba aanu dalka ka maqneyn.

2.Xadhigii Guddoomiye ku xigeenkii hore gobolka Togdheer habeen badhkii gurigiisa ciidamada RRU ugu daateen iyada oo madaxdii

Mar ay odey dhaqameedyo iyo wax garad kale ay ugu tegeen Mudane Siilaanyo xadhiga Guddomiyaha uu si aan gabasho laheyn ugu sheegey, in aanu ka war qabin waxa uu u xidhan yahey,balse u xidhan yahey Xirsi oo asagu ku maqnaa Turki oo ay tahey in isaga sugtaan. Waa jawaabtii, Madex-weynihii aan codka siiney.

Ma aan garan goorta dalka inqilaab kii Siyaad Barreka darani dalka ka dhacey! Ee xukunkii la maroorsadey.

3.Qubadii faanka, bahdilaada baarlamaanka ee u ku raganimadiisa iyo xeeladihiisa 40 arrimood oo horgeeyey mid qudho la hor joogsan, maantana arrinka xeer hoosaadka Ciro marsadey meel gaadhi doonin.

Madashaa oo mudane Siilaanyo ku sugnaa, waxna aanu ka odhan.

Haddii, aan dalka inqilaab ka dhicin oo sharcigu shaqeynayo madax-weyne Siilaanyo  xil ka xayuubin ha lagu sameeyo.

Sida sharcigu sheegayo, madax-weynuhu wuxu xilka ku waayi karaa; (a) Haddii Khiyaamo qaran galo(b)Haddii awood iyo caafimaad ahaan  gudan kari waayo xilka hogaamineed ee loo doortey.

Baarlamanka loo adeegsanayo baabiinta Golahooga,ha qabsadaan shaqadooda oo dalka ha ka badbaadiyaan inqilaabka.

Madexweyne-ku xigeenka. Mudane Saylici, waxan leeyahay, dalka sharciyan maanta adigaa ka madax-weyne ah, ee Xirsi inuu siduu rabo ugu ciyaaro ha agolaan. Raga nimo meel adag bey ku jirtaa!.

 

Wa bilaahi Tawfiiq.

Abdi Geireh .

ageereh@yahoo.com

Exit mobile version