WAJAALE NEWS

Af-hayeenka Madaxtooyadu waa masuul u Caqli-celiyey Masuul la Siman oo Tabiciisii Damacsanaa inuu Biqilka ku Goosto

Anigoo ah Milgo Xuseen Mire, waxaan jecelahay inaan qoraalkan ugu jawaab-celiyo maqaal aan ku Arkayay Warbaahinta qaarkeed kuna saabsanaa dhaaliillo shakhsi weerar ah oo lagu weerarayey Af-hayeenka Madaxtooyadda Mr. Axmed Maxamed Saleebaan Dhuxul, isla markaana gabadha maqaalka qortay ay dhinaca saaraysay Maxamed Xaashi Cilmi.`

Sidaa daraadeed, anigoo hore ula socday hadaladdii uu warbaahinta Af-hayeenka Madaxtooyadu u mariyey Maxamed Xaashi oo run ahaantii aan odhan karo waxay ahayd u caqli-celin iyo waano uu Af-hayeenku ku hogo-tusaalaynayey Maxamed Xaashi iyo isaga oo farta u saaray inuu ilaashado abaalkii, halgankii iyo dhismihii laxaadka lahaa ee uu ka soo geystay dib-u-dhiska qaranimada Somalililand.

Sidoo kale, Af-hayeenka Madaxtooyadu kaliya hadalkiisu wuxuu ku biyo-shubanayey in uu Maxamed Xaashi u caqli celiyo oo uu ku yidhi, Maxamedoow yaanaan kaa hortaagnaan tacabkaagii aad ummaddan u soo gashay iyo in aanu noqon kii noqon lahaa daabka gudintii lagu jari lahaa geedkii aad adigu (Maxamed Xaashi) gacantaada ku beertay.

Si kastaba ha ahaatee, walaashay Hibo waxaan leeyahay wax jira noqon maysid ilaa inta aad yaqiinsanayso ama ka qiranayso jiritaanka qofka kale, waxaanan leeyahay HIbooy ma haboona in mas’uul Qaran oo ah Af-hayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyadda Somaliland aad ku sheegto hadalo gef ah oo meel ka dhac ah, waxanan ku odhan lahaa haddii maqaalkaagan uu ka soo burqaday maankaaga bal dib ugu noqo oo waxyaabo badan oo kaa maqan soo baadh, haddii aad tahay tabbiye afkaarta xummo wadayaashana maangalkaaga ayaa gaaban.

Ku darsoo Hibooy, adiga oo marwo ah sideed u garatay inaad xaal bixiso, halkeese lagu arkay gabadh xaal bixisa, ha u noqon inaad maqaaladdan oo kale aad shabakaddaha ku laaluushto inay kuu soo geliyaan, kuwaas oo aan odhan karo way kaa caqli liitaan, maadaama ay kaa ogalaadeen inay kuu baahiyaan hadaladda meel-ka-dhaca ah ee aad ugu kala safatay laba masuul oo simman oo mid ka mid ah uu u caqli celinayo, maxaa yeelay waxaan xusuustaa hadalka hore ee Af-hayeenka oo ku biyo-shubanayey waano uu u jeedinayey Maxamed Xaashi oo ahaa masuul uga soo horreeyey xilka xukuumadda, taas oo uu farta u saaray bal inuu xusuusto hadaladii boorinta ahaa ee uu Maxamed Xaashi kula dardaarmayey Dhuxul kahor inta aanu noqon Af-hayeenka, kuna lahaa waar Dhuxuloow ilaashada xukuumaddan, maxaa yeelay hore ummay soo marin dibna u soo mari mayso xukuumadda ka wanaagsan Somaliland, kaliya intaa ayuunbuu Af-hayeenku xusuusiyey Maxamed Xaashi iyo in uu burburinta ka daayo tabicii uu ummaddan u soo galay.

Ugu dambayn, Hibooy adigu fikiradaada qaldan kuma matashid ummadda iyo shacbiga reer Gabiley, kumna hadli kartid afkood, maxaa yeelay ma tihid tii umadu xil u igmatay ama meel mas’uul uga ah.

ALLAA MAHAD LEH

Milgo Xuseen Mire

Hargeisa, Somaliland

Exit mobile version