FAYSAL CALI WARAABE MIYAYNU KA YEELNAA JAMAAL LACAG MUU HAYSAN MARKII HESHIISKA WADA GALNAY
“Waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine; Xaashe nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaab”
Aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban, dadku way is qabtaan oo khilaaf waa yimaadaa lkn inaad xaasid ku noqoto oo ay meel walba kaa gasho waa mid subxaan alah. Halkan waxaan waxaan idiinku soo gudbinayaa nuqul ka mid ah lacagta sanadkii uu sameeyn jiray Musharax Jamaal Cali Xuseen, (Ex-CEO of CITI-BANK). Kaliya bal aan eegno sanadkii 2009 kii oo ku dhow hal malyuun oo Dollar ninkaasuu Ina Cali Waraabe leeyahay wuxuu ahaa xayraan.
Kadib Heshiiskii badbaadada Ucid ee Jamaal iyo Faysal, Xafladii Midawga Labada Garab lagasoo bilaabo dhaqaalaha ku baxayay Xisbiga waxa bixinayay Jamaal, Faysal waxa laga hayaa “Anigu dhaqaale ahaan iyo cudud ahaanba waan burburay iskadaa wax kaloo Xaflada (midawga labada garab) shilling aan ku bixiyo ma hayo ee Xisbiga dhista dhaqaalahiisana bixiya” Faysal ayaa sidaa tiraabay. Hadaba, Xisbigu dhaqaale ayuu ku socday cida bixinaysana waa lagaranaya in lagala masuugo maan filayn, iyadoo faysal yahay ninka kaliya ee ka faaiiday ee dhaqaalahii xisbiga in lagu dhiso ahayd kaligii baa jeebka ku shubta $13,000 ( sadex iyo toban kun dollar) kaliya wuxuu ka bixiyaa kharashka xarunta dhexe. Faysal waa ninka mushaharkiisu ka badanyahay Madxweynaha Qaranka.
Sidaas darteed Jamaal waa ninka lacagtii uu soo shaqaystay habeen iyo maalinba ku bixinayay Xisbigga ilaa maantana diyaar u ah kuna bixiya. Faysal na ceelka hargeysa ma dhaafin oo xarunta ayuunbuu fadhiyey waxaanu sugaayey in lacag la siiyo, iskadaa wuxuu xisbiga ku bixiyo eh. Bal ninka Xisbi dhan dhabarka u ritay ee dhaqdhaqaaqiisa bari iyo galbeed la ogaa ayuu Faysal Guul Aas ku leeyahay lacagba muu haysan, horaa loo yidhi xaasid ma aflaxo, Waxaas oo cay iyo aflagaado ah waxa Faysal ka keenay waan garanayaa, inkastoo marka loo dhiibo uu gacanta ka dhunkan jiray; weligay qof ka lacag jecel maan arag; waar ma ninka dhalinyaradii UFO ku badashay $4,000 si loo laayo. Subxaanaka Yaa Cadiim.
Waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyay kaa la siisido, Maanta Djibouti wuxuu ka wado waa la ogyahay mar walbana wuxuu yidhaa Somaliland waan usoo dhintay. Allaa xaal og; 15 kii sanadood ee u danbeeyeyna wuxuu ku shaqeysanaayey mihnadda Gudoomiyenimadda; waar ma ninka ragii Ucid la tartamaayey laaluush kasoo qaadanayey ee lagasoo dhaadhiciyay Jamaal meesha ka tuur; markuu arkay inaanu ka tuuri karayn ayuu Cay iyo aflagaado qaawan miciin biday oo weliba been ku caayo Ilaahayow ha na waalin;
“FAYSAL MAANKIISU WAA SIDII KURAY CARUUREEDE
KAS XUMAA HODEE KULMIYE WAY KALA FOGAAYEENE
RAGOW SIYAASADA WAA LAGU KUFAAYE KAA HALA OGAADO”
By Mohamed Gacayte